Bulsho Wada Siyaasi Ah. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid {Dalmar}

0
15

Inta badan bulshadeena somaliland  tuulo ilaa caasimad  miyi ilaa magaalo waa wada siyaasi  xata  da’yarta soo kacaysa oo aad ugu xidhan siyaasada  taas oo sababta marka uu madaxweynaha jamuhuuryda somaliland mudane axmed maxmed  maxamuud siraanyo  uu xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyo dhammaan bulshada guux  iyo doodo xoogle laga dareemo qof walibana dhaho liiska wasiiraada cusub iga eega  iyo wasaaraad heblaayo ayaan ku wanaagsanaa.

 

Hadaba waxay taasi   cadaynaysa  sida ay bulshadeenu arimaha siyaasada aad ugu xidhanyihiin sido kale waxay taasi ku cadaynaysaa in bulshadu wada xil doon tahay hadaba aynu si kooban u falanqayno waxay faa iido iyo faa iido daro  u leeday siyaasadu bulshadeena;

 

  • maxay faa iido u leeday siyaasadu  bulshada?

Faa iidada ay u leeday waa in ay nidaamka siyaasiga ah kala bartaan uun,

  • Maxay faa iido daro u leeday siyasadu bulshada?

Faa iida darada ay u leeday waa

  1. Shaqo lumis oo inta ay siyaasada  ku mashquulsanyiin ayey ilawayaan sidi ay shaqo u  abuuran lahayeen ama  wax u baran lahaayeen .
  2. Waa wakhti lumis oo wakhti ay fursado kale kaga faa diidaysan lahaayeen ayey ku lumyaan
  3. Waa in qabyaalada u dhawaadaan sida qof waliba uu  qabiilkooda  uga baadhayo liiska la magcaabay iyo  qaar kalo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin balse bulshoy hankiinu hadhaafo maxaa la magcaaby oo wax qabsada.

W/Q: cabdiraxmaan Rashid axmed

Suxufi madax banaan

Hargaysa somaliland

Emil: cabdiraxmaan800@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here