Bulsho Wada Siyaasi Ah- W/Q: Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q1aad

0
178

Siyaasadan hadba doc aadaysee dulundulcaynaysa

Duug iyo inaan laga sugayn darajo lagu raago

Rafiiq daain ah haday dubaaqa kuu geliso

Doqoniimo weeyaan inaad daba ruclaysaaye

Qorshihii ku daashaday wakaa sii dabayshadaye

Waa siyaasad duqowday oon casriga doocna ku lahayne

Waa sun iyo deebaaq aan lahayn daawo bi’isaaye

……………………………….” Aadan Xeebab

 

Bulsho waa umad ama shicib ku dhaqan isla markaana deegaameeya deegaan, bulsho waa layahay waana lakala yahay, bulshada aan ka hadlayaa waa ta ku dhaqan deegaan weynahay Somaliland ee leh magaca iyo astaanta ama sumada ay bulshada kale kaga soocanyihiin.

Tani iyo dib usoo laabashadii ama dib usoo gudo galkii Somaliland, waxaa hadba isbadelayaayey oo maalinba heer taagnaa hab siyaasadeedka iyo kelmada sanadadan dambe dhegaheena kusoo badatay ee “Dimuquraadiyada”, taasina waxay ka dhigtay bulshadii guud ahaan gaar ahaan inta qaan-gaadhka ah rag iyo dumar-ba in ay u aaminaan in kelamadan ama nidaamkan “Dimuquraadigu” uu u yahay fure u furaaya xoriyada hadalka, sidoo kalena wuxuu bulshadii ka dhigay Bulsho wada siyaasi ah.

Bulshadan oo inta badan ah dhalinyaro da’a ahaan u dhexeeya 15 jir ilaa 45 jir, waxa ay fikir iyo maskaxba geliyeen ka hadalka iyo ka sheekaynta siyaasada, hadii siyaasada ay hadalkoodu u badantahay noqon lahayd, isbebedalka xaaladaha siyaasadeed ee wadamada caalamka waxa lugu tilmaami lahaa in ay yihiin dad aqoon iyo khibrad ka faaidaya, laakiin ka sheekaynta gudaha Somaliland,  iyo hadba xisbi, taaso oo hadalku marka uu sii socodo ama lasii rog rogo ku dambeynaysa in uu isku bedelo qabiil la xamanaayo, mid guusha lasiiyo iyo mid kale oo la gumeeyo, taasoo marka aad marto goobaha marfishyada ee shaaha lugu cabo aad had iyo jeer ka dhex maqlaysid xisbi hebel iyo reer hebel, taasina waa aqoon daro kusoo ururtay bulshada maanta ee dhalinyarada u badan.

Waxa aynu si cilmiyeysan uga kala hadli doonaa Siyaasada iyo Siyaasiga “Politic and Politician” labadan shay waa dulucda qormadeenan maanta, waana halka inta badan dadkeenu ku hodmaan ama ku hungoobaan ka hadalkeeda taas oo inaga dhigtay in guud ahaan bulshadeenii, “Siyaasiyiintii xilalka hayey, Ardaygii waxbarashada dhiganaayey, Dhakhtarkii ama kii dadka daweynaayey, Ganacsadihii, Haweenkii guryahay lugu ogaa, Xirfadlayaashii iyo inta kale ee aan wax shaqo ah qabanini in ay wada noqodaan siyaasiyiin”, taas oo  siyaasada aan weli qaangaadhka ahaynin ee Somaliland ka jirtaa ay marka dambe ka hadalkeedu isku bedeli doonto, reero iyo qabiilo xudun u ah jiritaanka xisbiyada Somaliland.

Qormadeena tan xigi doonta waxaynu si aqoon leh meel ugu tiirin doonaa in aynu kala saarno Siyaasada iyo arimaha kale ee bulshada, sidoo kale waxaynu bal ogaan doonaa “Siyaasiga iyo Siyaasadu” waxa ay yihiin…………Lasoco qaybta 2aad

 

Wabilaahi tawfiiq

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

www.facebook.com/Wiyeeer

Hargeysa-Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here