“Bur-burka Lagu Duminayo Jiritaanka Qaranimada Somaliland Ka Mid Noqon Mayso Beesha Dhul-bahante,Waxaanan ugu Baaqayaa Xildhibaanada Dhulbahante Inay Ka Feejignaadaan Waxa Maanta Dhacaya”

0
78

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Xanaanada Xoolaha Cali Cantar oo ku baaqay in la ilaaliyo jiritaanka qaranimada Somaliland

Hargeysa(Hubaal):-Wasiirkii ku xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Md:Cali Axmed Cabdi(Cali Cantar) ayaa si adag uga hadlay qalalaasahii wadanka ka dhacay maalintii shalay ee uu sababay khilaafka u dhaxeeyey xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland,ka dib markii ay xildhibaanada muxaafadka ahi ay keeneen mooshin xilka laga ga qaadayo guddoomiye Cirro,Waxaana uu carabka ku dhuftay in uu ugu baaqayo Xildhibaanada golaha wakiilada ee beel waynta dhul bahante in aanay ka mid noqon waxa ka dhacaya gudaha Somaliland oo uu ku tilmaamay in tahay mid lagu burburinaayo qaranimada Somaliland,waxaana uu tibaaxay in ay illaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda oo ay uga madax banaanaadaan sida ay xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda gobalka Awdal ay arrintaasi iskaga leexiyeen.

Md:Cali Axmed Cabdi(Cali Cantar) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa,waxaana uu wax lala yaabo uu ku tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md:Baashe Maxamed Faarax uu yahay nin loo adeegsaday guddoomiyahiisii,waxaana uu ku tilmaamay in aan wax uu garanayaa haba yaraatee aanay jirin oo cid gaar ahi ay ku danaysanayso.

 xaanaanada

“Waxaa nasiib darro ah in maanta Somaliland oo jirtay mudo 23-Sanadood ah, kuna soo caano maashay nabad iyo xasilooni, in maanta laysku dayo in si yar oo fudud loo bur-buriyo, iyadoo la eegayo dano shakhsi.Hadaba waxan leeyahay bur-burkaas lagu duminayo qaranimada iyo jirtaanka Somaliland ka mid noqon mayso beesha dhulbahante, gaar’aahana noqon mayso dhenged laysu adeegsado.Sidoo kale waxan baaq u dirayaa xildhibaanada beel weynta dhulbahante inay ilaashadaan sharaftooda, kana feejignaadaan waxaas maanta ka dhacaya Somaliland inay ka mid noqdaan, oo magac xumo ka raacdo, oo ay sameeyaan sida geesinimada leh ee ay sameeyeen Xildhibaanda Beesha Samaroon oo runtii qaaday taalaabo aad loogu diirsado, oo aan aad ugu hambalyaynayo.Hadaba waxa layaableh oo wax runtii laga khajilona ah ninka weyn ee Beeshe Mohamed Faarax sida loo isticmaalayo ee loogu garaacayo gudoomiyihiisa”Ayuu yidhi Cali Cantar

Md:Cali Axmed Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaas uu ku daray.“Baqashii fardo la mirataa, farasbay is moodaa! Waxan leeyahay Baashe waxa kaa dhaw Cali Khaliif Galaydh, waxa sidoo kale layaab leh, adiga oo aan lagu soo dooran sida aad u soo horfadhiisan doonto, dad la soo doortay oo aad weliba gudoomiye ugu noqon doonto, waxan ku leeyahay candhuuftaada dib u liq, reerkeenana waad ogtahay oo wuu maqanyahay markaa dadka Somaliland waxay samaysteen ha ka bur-burin, intaynu nabad dadka kula heshinayno, maalintaas ayuu hadal kuu banaanyahay”Ayuu yidhi Md:Cali Axmed Cabdi.

Ugu danbayntiina waxaa uu sheegay in uu xaal ka siinaayo bulshada reer Somaliland qaabka uu u dhaqmaayo guddoomiye ku xigeenka Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax.waxaana uu Xukuumada Siilaanyana ugu baaqay in ay meel kale ka daydo muddo kordhin balse aanay ka dhex dayin golaha wakiilada iyo guddoomiye Cirro.

“Waxaan xaalkasiinayaa dadka reer Somaliland ee uu Baashe ka dhex wado badhasuqa iyo dhibaatada isku dirka ah ee shaabuuga looga dhigtay.Dawladana waxan leeyahay meel-kale ka raadiya cimri dhererka iyo kordhinta aydin geed-walba u fuusheen ee aad u hamuun qabtaan, laakiin hakula gal-galanina Gudoomiye Cirro iyo Golihiisa”Ayuu yidhi Wasiirkii ku xigeenkii Hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here