Burco: Guddidii Wasiiradda ahayd Ee loo saaray Muranka Dhuleed ee Balayga Diiriye Guuleed Oo soo saartay Go’aan + Beel durtaba Diiday

0
21

Burco(Hubaal) Wafti wasiiro ah oo ka kooban Afar wasiir oo Maalmihii u danbaysay Magaalada Burco u joogay xal u helida Khilaaf ka dhex aloosnaa labada beelood  ee Cabdale Arab iyo reer Biniin oo ku muransanaa news1degaanka Baliga Diiriye Guuleed oo u dhexeeya Din-diinta iyo Booraamo ee Gobolka Togdheer ayaa maanta ku dhawaaqay Go’aankii ay kasoo saareen Dhulkaas, waftigan wasiirada ah oo kala ahaa ,wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Wasiir ku-Xigeenka Amniga Cali Gadh-dheere.

W2(13).jpg

Go’aanka lagu kala xukumay labada Beelood waxa ku dhawaaqay Wasiirka wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo Gudoomiye u ahaa waftigaas wasiirada ah, waxaanu wasiirku  isagoo Go’aankaas ka hadlaya yidhi”Anagoo afar wasiir ah oo sideedii Bishan u nimi wax ka qabasho shaqaaqo yar oo uu noo igmaday madaxwayanahu taas  oo ka taagnayd Baliga Diiriye Guuleed, maanta ayaanu halkan kaga dhawaaqnay go’aankii Dawlo ee naloo soo xilsaaray, waxanan doonayaa inaan iftiimiyo waxa saxaafadaha lagaga sheekayanayaa in meeshan ay isku  hayaan laba beelood, sidaas ma aha ee dadku dhulka waa wada degaan xukuumada ayaa ka masuul ah dhulka maamulkiisa iyo qaybintiisa.
Wasiirku isagoo ka hadlaya Go’aanka ay gaadheen waxa uu yidhi “Xaaladii meesha ka taagnayd waanu soo gabagabaynay, dadkii hawshaasi ka dhaxaysayna waa aqbleen oo xukun dawli ah baanu kasoo saaray. waxaanu soo saarnay in illaa hada meeshaasi Diiriye Guuleed ahaato Xoolo Daaqsin, reerka kale ee la sheegayo ee la lahaa wax bay isku hayaan waanu ganaaxnay sababtoo ah cid u xil saaratay inay beeli beel meel ka ilaaliso oo aynu ognahay ma jirto, sababta u gaysay cid meelo fadhanaysa ama qodanaysa ama khalad ha ahaato ama saxe cida u banaysay inay hub intay qaataan dul tagaan waa sharci daro, sidaas darteed iyagana waxanu saaray wixii ay xaq u lahayeen oo aanu is leenahay waxay tusaale u noqon doontaa beelaha kale.

Geesta kale Xildhibaan Golaha degaanka Burco ah iyo Qaar ka mid ah Odayaasha beesha Cabdale Arab ayaa markii ay shirka jaraa’id  qabteen wasiiradu kadib la hadlay saxaafada waxaanay sheegeen ina aanay waxba ka jirin Go’aankaas isla markaana aanay aqbalayn.
Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo ku hadlaya Hool kasoo horjeeda Xarunta Madaxtooyada ee Go’aanka ay wasiiradu kasoo saareen ayaa yidhi ”waxaanu u sheegaynaa Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan in arinta maanta halkan ka dhacday ee ay wasiiradu la yimaadeen ay tahay tii umadu ay isku dili jirtay, Madaxwaynnuhuna wuu ogyahay xaalada taagan, waxa ka socda arrinkaasina yahay arin dagaal lagu oogayo. umada somaliland wixii ay u soo halgantay ee midnimadeeda ugu soo dhimatay in maanta lagu wiiqayo ayaanu u argnaa, hadii mudane madaxwayne warqdan baad ku taalaaye laga been abuuray wixii arinkan keenay  talaabo degdeg ah ka qaad.
hadii aad ogatahay arintan waa  inaad degdeg uga noqoto, dhul hagaagsan oo sharci leh in baabi’iyo wax dhacaya oo aanu qadanayno ma aha.
oday Cumar Abokor ayaa isna yidhi ”waxaanu sheegaynaa in Go’aankaas nalaku qaaday inaan Beesha Cabdalle Arab yeelayn

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here