Burco, (Hubaal)- Falal ammaan-daro oo cabsi ku abuuray shacabka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa muddooyinkii u dambeeyey isa-soo-taryey, iyada oo dadku ay cabasho ka muuiyeen budhcad ku hubaysan hubka fud-fudud oo xilliyada habeenkii boob iyo dhac ka geystay xaafadaha iyo jidadka waaweyn ee Suuqyada magaaladaas.
Kooxaha budhcadda ah oo ku hubaysan Mindiyo iyo Faashash, ayaa xilliyada habeenkii dariiqyada Madow ku baadha dadka oo ka sokow baadhasho iyo boob ay ku kala kacaan u geysta waxyeellooyin ay ka mid yihiin garaacis sababa dhaawacyo, iyada oo mararka qaarkood falalkani ka dhacaan goobo ku dhow saldhigyada ee ku yaala xaafadaha magaalada, kuwaas oo dadweynuhu cabasho ka muujiyeen isla markaan ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan iyo inay dhag jalaq u siinin cabashooyinka dadweynuhu ula tagaan, sida uu ku soo warramay Weriyaha Himilo ee gobolka Togdheer Xafsa Cabdilaahi.
“Gabbalkuba hadduu sidaas u dhaco, ma bixi karaysid, habeenkii dariiqyadaa laguu joogsanayaa oo waa lagu dhacayaa, hadday tahay meelaha madow, waddooyinka waaweyn xataa kuma nabad-gelaysid oo niman laba-laba ama saddex-saddex u socda oo faashash iyo mindiyo sita, ayaa dadkii khaatijaan ka dhigay. Dadkii way baadhanayaan, haba-baadhaane, ama naftay kaga jarayaan ama jug bay gaadhsiinayaan,” Sidaas waxa Weriyaha u sheegay Siciid Cabdi oo ka mid ah shacabka xoogsatada ah ee magaalada.
“Immika, waabay soo dhaafeen sidii hore inay waddooyinka istaagaan, annagoo soo jeedna ayay guryaha u soo dhacaan, dabadeedna guryihiibaa la baadhanayaan,”ayuu yidhi Siciid.
Sidoo kale, Kooxahan budhcadda ah, ayaa la sheegay inay ku kacaan gabbood-fallo ka dhan ah haweenka oo ay kula kacaan Kufsi iyo jidh-dil, sida ay sheegtay haweenay in magaceeda la sheego ka gaabsatay oo wariyuhu la kulmay.
“Hablihiibaa la kufsanayaa habeen walba, ilaa toban dumar ah immika way maraysaa, waxna laga qaban maayo, booliskiina waxba qaban-maayaan,” ayay tidhi haweenaydani.
Haseyeeshee, dhacdooyinkan ammaan-darro ee gobolka iyo xil-gudasho la’aanta lagu eedeeyey Ciidanka Booliska, waxa dedafeeyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer Deeq Cabdi Yuusuf oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan.
Taliyuhu waxa uu sheegay inaanay waxba ka ogeyn isla markaana aan loo soo gubin tabasho shacabku u gudbiyey Ciidamada ammaanka oo laga dhega-adaygay, haddii ay jirtana ay ogaan lahaayeen, isla markaana ay wax ka qaban lahaayeen.
Waxa kale oo taliyuhu meesha ka saaray inay wax iska beddeleen xaaladda ammaan ee magaalada, balse waxa uu qiray inay jiraan kooxo budhcad ah oo xilliyadii habeenkii falal baadhasho ah ka geysta magaalada, taas oo uu ku tilmaamay xaalad ammaan oo ay kaal siman yihiin magaalooyinka kale ee dalka.
“Magaalada wax cusub oo ku soo kordhay ma jiraan, waa run oo way dhacdaa qof xilli habeenna moobil laga qaaday, waana wax markasta dhacda, annaguna waanu ka hawl-galnaa. Taas mooyaane, waxaas aad sheegaysaa ma jiraan baan ku leeyahay,” ayuu yidhi Taliye Deeq Cabdi Yuusuf.
Mar la weydiiyey inay jiraan falal Kufsi iyo tacaddiyo kale isugu jira oo muddooyinkii u dambeeyey xilliyada habeenkii ay kooxahaasi ka gesyteen magaalada, waxa uu taliyuhu ku dooday, “Annaga nama soo gaadhin, waa ii hadal-kaagaas,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Maamulka Gobolka Togdheer, gaar ahaan badhasaabka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno dhacdooyinkan ammaan-darro ee laga soo sheegay gobolka, nooma suurto-galin inaanu helno, isaga oo badhasaabku aan inta badan laga helin xafiiskiisa, sida Weriyuhu sheegay. Sidoo kale, Mar aanu isku daynay inaanu khadka telefonka kula xidhiidhno nooma suuro-galin inaanu Md Maxamed Muuse Diiriye oo tiraba dhowr jeer oo aanu wacnay naga qaban-waayey, markii dambe oo aanu helnay Askarigiisa uu noo sheegay inuu ku hawlan yahay Kiisas u dhexeeya beelo xurgufo dhexmareen, sidaas awgeedna aanu haysan wax haleel ah.
source:Himilo