Burco(Hubaal)Xaflada Aroos oo ka dhacday Gobolka Togdheer ee Burco ayaa mar qudha isku bedeshay Faydo iyo dagaal,Ugu yaraan Hal Qof ayaa laga soo sheegayaa inuu dhintay ,halka qof kalena uu ku dhaawacmay,Xafladan ayaa la sheegay in dhacday Tuuladda Dindinta oo Waqooyi ka xigta Caasimada Togdheer ee Burco ,sida ay war baahinta u xaqiijiyeen dad xogogaal ahi.
Ilaa iyo hada wararku aad umuu faahfaahinin sababta dhabta ah ee ki cisay Shaqaaqadan ka dhacday Arooska ee dhimashada iyo dhaawaca sababtay ,inkastoo la xaqiijiyay qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii Arooskaasi in ay rabshado ka dhex-qarxeen ayna rasaas is huwiyeen ,taasi oo keentay Khasaaraha .
Mida kale Labadda Qof ee midna dhintay midka kale-na dhaacmay ayaa Saaka la soo gaarsiiyay Cusbitaalka Magaalada Burco ,halkaasi oo midka dhaawacmay lagu dabiibaayo .
Waxa kale oo la sheegay Cayladda Marxuumka dhintay in ay diideen in la aaso Marxuumkaasi ,ilaa iyo inta lagu soo dul-xidhaayo Gacan ku dhiiglii toogtay.
Geesta kale ilaa iyo hadda Booliska Burco iyo Masuuliyiinta gobolka Togdheer wax faahfaahin ah kamay bixin Dhacdadan Arooska ka dhacday ,inkastoo ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiiglihii dilkaasi gaystay iyo qaar ka mid ad dadkii rabshadahaasi loo tuhmaayay.
Dhacdan ayaa murugo iyo uur ku taalo ku abuurtay dadkii ka soo qayb galay arooskaasi waxaasi,waxaanay dadkii arooska ka soo qayb galay ee farxada la wadaagayay arooska iyo aroosadu kala hoydeen goobtaasi oohin.