Burco: Nin Qadiyadda Xisbiga WADDANI Ku Dheerayd Oo Qudha Ka Jaray Haweenay Taageero U Muujisay Muddo Kordhinta

0
47

Magaalada Burco oo ay si gaar ah u saamaysay muranka dhinaca dib u dhigista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Somaliland ee u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiyada

Burco (Hubaal) Magaalada Burco oo ay si gaar ah u saamaysay muranka dhinaca dib u dhigista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Somaliland ee u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, si aad ahna dadku ugu kala aragti duwanaayeen muddo kordhinti Guurtidu samaysay, ayaa waxa dorraad muran arrintaasi la xidhiidha ku nafwaayay Alle Ha u naxariistee Marxuumad Farduus Saalax Cashuur, kadib markii uu dhagax madaxa kala eegtay Gacan ku dhiigle Ridwaan Yaxye Jaamac badhtamaha Suuqa Magaalada Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer.

burco

Falkan foosha xun ayaa ka dhashay kadib markii uu labadaasi ruux ee midkood geeriyooday uu dhex maray muran la xidhiidha arrimaha dalka ka taagan ee muranka muddo kordhinta iyo qabsoomida doorashiinka. Ninka falka gaystay oo sitay Calanka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa waxa uu soo dhex maray badhtamaha suuqa Burco, waxanay iska hor yimaadeen gabadhan oo sida la sheegay ka mid ahayd dumarka suuqa ka xoogsada ee haaftalayda ah, sida la sheegay ninkaasi falka xun ku kacay oo ku qaylinayay erayo uu taageero ugu muujinayo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaaa waxa la hadashay oo erayo ka cadhaysiiyay ku tuurtay Marxuumada dhimatay Alle Ha u Naxaristee Farduus Saalax Cashuur, iyadoo Marxuumadu ku tidhi ninkaas. “Waar dadka ka fadhiiso Ninkan aad degta ku sidato ee Cabdiraxmaan Cirro kursiga Madaxweynimo inta cirka iyo dhulku isku jiraan ayuu kursigu u jiraaye “.
Waxaana la sheegay in iyada oo aanu hadalkii ka soo wada dhammaanba uu dhagax Dhegta hoosteeda ka qabadsiiyay kaasi oo ay Markiiba Alle Ha u Naxariiste u qudh baxday nabarkaas. Gacan ku dhiiglaha ayaa sida la sheegay markii uu falkaasi gaystay baxsaday halka Marxuumada dhimatayna la dhigay Cisbiraalka weyn ee magaalada Burco, balse ciidanka Nabadgalyada oo baadi goob culus u galay soo qabashada Gacan ku dhiiglaha kadib ayaa shalay gacanta ku dhigay ninkii falkaas dilka ah gaystay.
Iyadoo sida la sheegay laga soo dhex qabtay guriga ay degan tahay Islaan u Eedo ah oo degan Magaalada Burco, halka Marxuumadiina shalay galinkii dambe si weyn loogu aasay Magaalada Burco kadib markii habeen hore la meyd Bariyay. Xaaladan ayaa ku soo beegantay xili Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco ay si gaar ah u saameeyeen muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, waxaana Dorraad ilaa shalay gaaf wareegayay faras Magaalaha Burco ciidamo gaashaman oo Xukuumaddu ugu talo gashay inay sugaan amniga guud ee Magaalada, haddii ay ka bilowdaan fadqalalo wax yeeli kara nabadgalyada ama xaalad amni-darro timaado. Falkan ayay shacabka Burco aad uga naxeen, maadaama oo aanu hore u soo marin Gobolka xiligii dawladihii hore gaar ahaan Dawladii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigiisi UDUB iyo Xisbigii Mucaaridka aha wakhtigaas ee KULMIYE oo Gobolka Togdheer laga kala taageeri jiray.

Wargeyska Somalilandtoday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here