“Cali khaliif-na cadaawad iyo necbaansho Ayaa ka buuxda, Waxaanse Leeyahay Waar Intaanad Xaasidka La Dhiman Oo Aakhiro Lagu Cadaabin Toobad-keen”
Burco (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay isku duubnidooda iyo wada jirkooda ilaashadaan, kana dheeraadaan waxkasta oo tafaraaruq ku keeni kara.
Guddoomiye Faysal oo munaasibaddii 18-ka May ee shalay kala qaybgalay Dadweynaha Reer Burco, ayaa si gaar ah ula hadlay shacabka reer Burco, waxana uu ugu baaqay inay meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo dirsooca ay isku sameeyaan, isagoo usoo jeediyey in wanaaga burco leedahay dadkeedu aanay baabi’nin. “Waxan anigu idhaahdaa Burco waa Xareedda Somaliland, markaan ku dawakho Hargeysa-na waxan jecelahay inaan Burco imaaddo,marka ugu horraysana waxanu doonaynaa inaynu Baabi’ino waxa la yidhaahdo Burco bari iyo Burco Galbeed, waana in Burco cod midaysan ku wada Hadashaa, Sanaagna waa in laga daayaa afar beelood laga daayaa waana Hal beeloo kali ah. qabyaalad qofka idiinla yimadda iska naara waa shaydaane, Somaliland-na ku haddaaqa walaalayaal ” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo uu sheegay in inta shacabka reer Somaliland ku foogan yihiin iskala qaybinta iyo kala saarsaarka ay meesha ka baxayso quwadoodu, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa ina hortaagan dhibaato Gudaheena ah oo kala daadsanaan ah, inta aynu kala daadsan ahayna ee aynu qaybqaybsanahay ee aynu reer Reer u kala baxayno walaalayaal quwad yeellan mayno cadawgeenana waa ka farxinaynaa”. Guddoomiyuhu waxa uu si qiiro leh uga Hadlay xaaladda Guud ee Ciidamada qaranka Somaliland, waxana si gaar ah usoo qaatay dhiirranaanta lagu yaqaano iyo sida ay maanta u horfadhiyaan wiilal aan taariikh fiican lahayn oo dhinaca Garowe ka yimi, waxana uu yidhi, Ciidamadeena Somaliland waxay maanta is horfadhiyaan Inamo yaryar oo beel ka tirsan oo Garowe ka yimi oo waddankeenii gudaha usoo gashay, inagoo ogayn Siyaad Barre in ciidamadeenii oo ahaa abeesoyin oo ahaa kuw suntan Badan leh, mulac ka yimi Garowe ina haysan karo.” Waxa uu Faysal Cali Waraabe ku dhiirrigeliyey Shacabka Reer Somaliland inay si daacadnimo leh isku garab taagaan ciidamadooda qaranka, waxana uu usoo jeediyey in ayaamaha Farxadda sida ayaanta 18-ka May oo kale deeqo ay ku farxaan la siiyo, “Maalin kasta waa inaynu ciidamadeena is hortaagnaa oo mushaharka loo kordhiyaa, maanta oo kalena waa in hilib la siiyaa oo lacag la siiyaa oo la dhiirrigeliyaa, sallaan-na waxan u dirayaa ragga Gaadhka inaga haya inta aynu inagu habar-habarta hayno.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka Hadlay siyaasiyiinta Hormoodka u ah Dawladda Konfurta Somalia, kuwaas oo uu ku sheegay qaar aan karti u lahayn inay gartaan taariikhdii Somaliland soo martay, isla-markaana magan u ah Taangiyo uu Afrikaan leeyahay, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Muqdisho waxa maanta adduunku dusha ka saaray carruur yaryar oo ku koray Iskuulladii Maxamed Siyaad Barre ee aan garanayn wixii aynu ahaan jirney oo aan garanayn inaynu halgan galnay oo aan garanayn in la ina xasuuqay oo idaacadda ka dhegaysan jirey Hargeysaa kubaddii gobollada inagoo dagaal ku jirna, waxana ay ina simayaan innaga iyo Garbahaarray, inaga iyo Kismaayo, inaga iyo Boosaasay ina simayaan, ciyaalkaasina waxa ay ku ku jiraan Taangiyo afrikaan wado, nin ingiriis ah oo Kerry la yidhaahdo ayaana xukuma oo Somalia baabi’iyey.” Mudane Faysa Cali Waraabe waxa uu sidoo kale ka Hadlay Xubno Dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo Koonfurta Somalia ka abaabulayo Hagardaamooyin Somaliland ka dhan ah, waxana uu si gaar ah u magacaabay Prof. Cali Khaliif oo uu sheegay siyaasi xaasidnimo qaadday, “rag baa xamar jooga Reer Somaliland ah oo ina sheeganaya oo USP la baxay oo khaatumo la baxay, kuwaasna waxan leeyahay ilaahay hasoo hadeeyo, odayga Prof. Cali khaliif-na waxan leeyahay waar intaadan cadaawadda iyo xaasidka la dhiman oo Aakhiro lagu cadaabin iska toobad-keen baan leeyahay, cadaawad Baana ka buuxda iyo necbaansho, somalinimana ma rabaane waxay rabaan xaasidnimo waxana ay ka dhimanayaa nabaddaas,quruxdaas waxay ka dhimanayaan magacaas, magaca somalinimada inagaa(somaliland) markii hore dhisnay”