Burcooy ma is badh qabannaa? – W/Q. Xamse Cabdi Ibraahin “Qoorcadde”

0
196

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lama saxayo goorta si rasmi ah loo ballaysimay. Hase yeeshee taariikhyahannadu waxa ay sheegaan goor qiyaas ahaan ku beegan

Xamse_Cabdi_Ibraahin_Qoorcadde

1880kii in magaaladu ay ahayd waabo yar yar, dhawr ceelna ku yaalleen. Berigaa waxaa la odhan jiray Ceel-goonni. Beri dhexe oo ay yar waynaatay, haddana waxaa loo yiqiin Burco-Gubad. 1910kii ayaa loo bixiyay Burco, waa marka ay magaalowday ee xeryaha Dawladdana intooda badan la furay. Ammintaa hay’adaha magaalada laga aasaasay waxa ugu muhiimsanaa: Boosta, xeradii ciidanka ee Killaha loo yiqiin, saldhigga booliska iyo Masaajidyo mawlacyo u badnnaa oo markii danbe la bineeyay.

 

Burco marka aad maqasho waxa maankaaga ku soo dhacaya dareenno is huwan. Burco waxa ay weligeed caan ku ahayd hidde gobonnimo oo sooyaalkeeda ku taxnaa muddo dheer. Malaha denbi iga raaci maayo haddaan ku idhaahdo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray haldoorkii iyo halyeeyadii ugu cad caddaa waxa ay ahaayeen reer Burco. Sidaa markaan u hadllayo waxaa maankaagu sawirayaa kaalinta ay reer Burco ku lahaayeen laamaha nolosha. Xaq u dirirkii, wadaadadii, suugaanyahanndii dhaqanka, hobolladiiluuqda, qalanbaawiyadii balweyn jiray, hablihii horyaalka quruxda qaaday, majaajillaystayaashii, mutacallimiintii iyo dhammaan madhaafaankii Soomaali anfacay waxay ahaayeen reer Burco. Haddaan ku bilawnno Gumaysigii iyo saancaddoolihii soo duulay reer Burco weji gabax ayuu kala kulamay waana halkii lagu khaarajiyay faranjigii Giib. Sidoo kale waxaa meel aan Burco ka fogayn oo la yidhaahdo Dulmadoobe lagu qudh gooyay gaalkii waynaa ee Koofil, taariikhdu markii ay ahayd Ogos 1913kii. Waa marka uu Sayid Maxammed Cabdalle xasan marinayo gabaygii taariikhda galay ee lahaa:

 

Adaa Koofiloow jiitayoon, dunida joogayne

 

Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede

 

Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiro u jihato…

 

Burco sidoo kale waa xarun diineed qayb libaax leh ka qaadata fidinta iyo dhawridda diinteenna suubban.

 

Helyeeyadii naf hurka gumaysiga kala hor tegay waxa aynnu ka xusi karnnaa Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf Xaaji Xasan, Faarax Oomaar iyo qaar kale. Sidoo kale Burco waxaa ka dhashay aqoonyahankii waagaas Soomaali ugu cadcaddaa oo iyana soo qaadan karnno Maykal Maryama iyo Dubbe Cali yare. Weli xagga aqoonta ayaynu ka miisaynnaaye waxa aan la illaabi karin horseedkii iftiinka maanta inoo bidhiiqaya Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo ka mid ahaa hindisayaashii afka Soomaaliga. Waxaan marnnaba la illaawi karin Aabbihii tacliinta Soomaaliyeed Maxamuud Axmed Cali. Dhammaan hanaddadaasi waxa ay ahaayeen reer Burco. Xagga suugaanta iyo ku talax tagga dhaqanka Burco waxa ay ka mid tahay degmooyinka loo daba fadhiista Maansada Soomaalida. Waxa aynnu iyana u yeedhi karnnaa:

 

Foolaadkii iyo bud-dhigayaashii suugaanta Soomaalida Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab), Gammuute, Yawle, Ina Nuur Fadal, Gabay-Xaddi, Faarax-Laanjeer, Cabdillaahi Muuse, Abokor Cawad, Salaan Carrabay, Dirir Warsame, Cali Xuseen iyo qaar kale oo badan oo dhammaantood ka mid ahaa jawharta suugaanta Soomaaliyeed, welina maansadoodii ay nooshahay oo ay ilaa maantadaa dhegeheenna ka sii dayaamayso. Xagga fanka, qaraamiga saddexda nooc ee loogu luuqeeyo raaxeeyaha, mid ka mid ah ayaa loogu magac daray ‘Raaxeeyaha Burcaawiga’ ah. Isla markan waxaa maankeenna ku soo dhacaya Cumar Dhuulle Cali oo mahadho yaab leh kaga tegay guud ahaan fanka Soomaalida oo xaruntiisu ahayd Burco; ku dhashay kuna barbaaray.

 

Burco sidoo kale waa xarun xuddun u ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Waa qalcaddii ay isku arkeen Ina Fatata’ iyo Humbush-haambush. Waa bartii ay iska heleeleen Hurre iyo Cambaro. Waa goobtii Diiriye-Baalbaal loogu boqray boqorka dhaantada oo markii uu u wareegay Galbeedna noqday horyaal aan lagaga daba dhufan dhaantada Soomaalida. Weli waxaa Burco ku nool oo ay xarun u tahay guluubbada iftiimiya suugaanta Soomaalida oo ugu mudan yahay Maxammed Ibraahin Warsame “Hadraawi”.

 

Dhinaca kale Burco waa caasimadda labaad ee Somaliland. Waa halkii lagu qotomiyay Somaliland. Waan idiin sheeko dhaafaye Burco waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay halgankii dib u xoraynta Qaran ee SNM hormuudka ka ahayd. Halyeeyadii u jilib dhigay quwaddii Siyaad Barre iyana waxa aan ka xusi karnnaa Muj. lixle, Maxammed-Cali, Ha illiqin, Aadan Saleebaan iyo qaar kale. Dhinaca kale tan iyo markii Somaliland dhidibbada loo taagay madaxdii soo martay mid mooyee inta kale waxay ahaayeen reer Burco. Halkan waxa aynnu ka qaadan karnnaa in Burco tahay: ‘Hoyga Hanadka iyo Halyeyga’.

 

Nolosha Soomaalidu wax ay si weyn ugu xidhantahay Xoolaha nool. Waxaa Burco ku taalla sayladda ugu weyn dhulka soomaalida. Sidoo kale Burco waqti xaadirkan waxaa ku yaalla wershado tiro badan, kuwaas oo wax soosaarkoodu u badan yahay biyaha. Ka ganacsiga biyuhu waa wax wanaagsan hase yeeshee qaabka reer Burco ugu dabar go’een maaha dhaqan wanaagsan. Waxa ay ahayd in wershadaha la kala duwo oo qaarba wax soo saaraan. Waayo? Baahideennu way ka wayn tahay biyo la sifeeyo.

 

Burco dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 400,000. Dadka tiradaas le’egi malaha qorshe nololeed oo gaadhsiisan heer ummadnnimo caadi ah. Ma laha ilbaxnimo iyo aqoon ay kula soo baxaan nolol tayo leh. Ma jirto cid ka fekerta aayahooda. Dawladnimada waxa ay dareemaan maalinta hebello la dooranayo, hebelladuna waa kuwa la eeday. Hebelladaasi ma soo bandhigaan qorshe siyaasadeed oo ay ummaddooda ku hagaan. Marka ay muraad leeyihiin ayay tolla’ay kula soo dhex dhacaan ummad tabaalo u dhan tahay oo darayaysan. Marka ay hawshooda qabsadaanna halkii ay ka yimaaddeen ayay ku noqdaan. Marka laga jawaabi waayo baahida bulshdii dadkaa dooratay waxaa yimaadda khasaaraha aynu aragnay ee qoys qoys inoo saameeyay. Waxa dhaca in maatideennu badaha ku le’daan, waxa dhaca in qaar innaga mid ahi waashaan, waxa dhaca tuugnimo hadhka cad lays boobo, waxa soo baxa qaar noloshaba ka dhaca, waxa dhaca barakac baahsan oo ugu danbaynta burbur bulsheed ku danbeeya.

 

Akhristaha sharafta lahoow ha u qaadan qormadan in aan cid ku xajiimaynayo, bal se waxa aan si guud uga hawaala warramayaa duruufta maanta ina haysta. Magaalada taariikhdaas la yaabka leh lahayd iyo maanta halka ay joogtaa way kala hiijo dheeryihiin. Waxa ay u eeg tahay meel loogu talo galay in laga koro ama la   iska joogjoogo. Dhallinyarada oo ah meelaha bulshooyinka adduunka laga sahamiyo way kala qoqoban yihiin (Ardaa ardaa ayay u kala fadhiyaan), cid kale oo isu jiiddaana ma jirto. Wejiga ay maanta magaaladani yeelatay cidda wax ka qabashadeeda loo tuhmi karo waxaa ka mid ah dhawr qaybood oo bulshada ka mid ah, halkanna aan ku tixi doono.

 

Jaantuska Dawladda:

 

Dawladda caadiga ahi waa ta hilaadisa masiirka iyo aayaha ummaddeeda. Dawladdan immika wakhtigeedii gabaabsiga ku dhawyahayna waxaa waqtigii kaga dhammaaday, kala jiidashada oday dhaqameedyo ka dhasiigay nolosha. Waxa ay kharash aad u badan ku bixiyeen kuna bixiyaan kala qoqobka bulshada iyaga oo gebi ahaanba illaabay qiyamkii shacabka iyo xilkii ay ummadda hayeen. Dadkiina waxa ay u qaybiyeen wax dan shakhsiya ilaashanaya, iyo wax tol ahaan ku taageersan. Iyadoo taasi jirto, Burco waxa u dheer in laga hayaamay, oo waxna way tahriibeen waxna xagga caasimadda ayay u yaaceen. Ogoobeey reer Kulmiye intii aanay kursiga hantiyin waxa ay ku taamayeen in ay hay’ada dawladda iyo ururrada bulshada qaybo ka mid ah Burco u soo rarayaan; si aanay qasab u noqon in adeeg kasta Hargeysa loo doonto.

 

Kaalinta Culimaa’u-diinka:

 

Diinteenna Islaamku way dhammaystiran tahay. Waxay ina bartay sida ifka loogu noolaado iyo sida aakhiro loogu sahay qaato. Haseyeeshee Culimada sabankuna waxay gebi ahaanba meesha ka saareen waanadii iyo wacdigii sidii ifka nolol hagaagsan loogu noolaan lahaa, sidii bulshada la isugu soo jiidi lahaa. Badanka dadka way kaga argagixiyaan. Waxay illaaween in ay ka hadllaan dhibaatada aan la tirin karin ee ifka innagu haysta inta aan aakhiraba la gaadhin. Hadda iyagu noloshooda si habsami ah ayay u u wataan oo machaddo, madaariis iyo ganacsiyo kalaba dalka iyo degmadaba way ku leeyihiin, laakiin waxay hilmaamen xilkii bulshadooda ka saarnaa in ay ku baraarujiyaan nolol samo ku baaqaysa.

 

Ururrada Bulshada:

 

Aniga oo aan ka abaal darayn guud ahaan ururrada bulshadu kaalinta ay buuxuyeen dagaalladii sokeeye ka dib, haddana ujeeddooyinkii loo aas aasay in yar ayaa buuxisay. Marka laga tago SOYVO oo iyadu mutaysatay in aan xuso; badi waa goobo shaqo oo lagu mushahar qaato. Kama jawaabaan baahida bulshadooda, mana jirto cid la xisaabtanta. Sidaa daraaddeed uma fekeraan sidii dadkan iyo dalka u barwaaqoobi lahaayeen. Keliya waxay kala hororsadaan mashaariic, mana arag cid baadi goobaysa ama hilaadinaysa mustaqbal la jeclaado.

 

Gebogebo:

 

Taariikhda dahabka ee sare ku qeexnay waxa ka shaqeeyay halyeeyo hal adayg muujiyay, oo naftooda u hibeeyay sidii dadkani dhan walba uga hodmi lahaayeen. Si aynnu sumacddeennii Burcanimo usoo ceshanno wax aynnu u baahannahay in aynnu gacmaha is qabsannom taariikhdana beddelnno. Saddexda dhaabadood ee Dawladda, Culimo-awdiinka iyo ururrada bulshada oo is kaashadaa wax badan ayay beddeli karaan. Guud ahaan dalka iyo gaar ahaan reer Burco na xaq ayay u leeyihiin in ay ku taamaan oo ku tanaadaan nolol xasilloon oo samo yaboohinaysa.

 

Xamse Cabdi Ibraahim “Qoor Cadde”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here