Burmadow boqornimadiisii waxay dhaafi weyday ku-sheenada Amina Weris uu talooyin dalka burburiya ku siiyaa

0
45

Burmadow boqor nimadiisi waxay dhaafi weyday ku-sheenada Amina Weris uu talooyin dalka burburiya ku siiyaa

Horta talooyinka Buurmadow waxay ka soo fulaan ku-sheenada ama Kitjinka Amina Weris oo uu goor walba taagan yay. Wuxuu Amina Weris ku dhiiriyaa in Somalidu arin keedu yahay sida sodaha oo kale oo sadex cisho uun la hadal hayo wixii dowladu sameyso. Wuxuu ku dhiiriyaa in meel walba RRU loo diro oo cagta la mariyo. Waxa uugu danbeeyey aqalkii Farxan Haji Ali mulkiilaha HCTV oo talada lagula wareegay Buurmadow lahaa.

buur madowHadaba Buur madow miyaannu ahayn kii Dubai ka lahaa madaxweynuhu waa marfuuc al-qalam oo diaper buu xidhanyay. Miyaanu ahayn ninka wasiirka duulista iyo hawada ku sheegay Muhanad oo filimkiisa la wada yaqaan wuxuu Muhunad qaban jiray. Buurmadow miyaannu damaaciyin in Hargiesa Club laga iibiyo. Waxaa biyo kama dhibcaan ah in talooyin badan oo Buurmadow Amina Weris Siiyo wax lagu kharibo. Miskiina Amina Weris wuxuu u sheegaa ha wer-werin meesha ka tegi meysid ee anagaa dhamaynayna wax yaabahan dhacaya e. Buurmadow mabda’ uu leeyey ma jiro oo sadexda xisbiba wuu ku jiraa warkana wuu uu kala qaadaa. Buurmadow waa ciyaala suuq weynaaday oo dam-dam wax ku doona oon khajilin oon waxba dhowrsan. Ma gabadhii iyo ninkii uu caayi jiray buu maanta dhex joogi lahaa. Buurmadow wuxuu ka mid yahay dadka dalka khal-khalka geliyey ee talada xun siiya Amina Weris iyana ay rumeysato oo kolba kuus lacaga u dhiibto. Yaa Buurmadow khabarak Fi-suuq inaad guulwadaha uugu weyn Somaliland een damiirka lahayn aad tahay.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here