Buuhoodle(Hubaal) Qoysas gaadhaaya 2000 oo qoys oo ku nool degaano hoos yimaada gobolka buuhoodle ayaa la gaadhsiiyey deeq raashin ah. Deeqdan raashinka ah ayaa gaadhey gobolka Buuhoodle ,waxaanu raashinkani ka koobnaa qaybaha kala duwan ee raashinka, sida daqiiqda, Sonkorta , Bariiska, timir iyo Saliid , waxaana raashinkan lagu qaybiyey gudaha magaaladda Buuhoodle iyo intooda badan degaanadda hoos yimaada gobolkaasi.
Raashinkan ayaa kamid ahaa deeqihii ay guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 ugu talo gashay gobolka Buuhoodle dadka danyarta ah ee ku nool , waxaana deeqdan raashinka ah qaybiyey maamulka gobolka Buuhoodle, iyada oo sidoo kalena deeqdan la gaadhsiiyey tuulooyin ay kamid yihiin Xadhadhan, Sool joogto, Horufadhi, Dhilaalo, Caro weyn, Galoolay , Gocondhaale, Qaydar, Hagoogane, Ceegaag, Maroodi ka dhac, Tog barwaaqo iyo degaanka Maygaagle.
Waxa sidoo kale raashinkan la gaadhsiiyey degaano kale oo kamid ah degaanadda gobolka Buuhoodle,waxaana goobaha raashinkan lagu qaybiyey ka hadlay dadka degaankaasi iyo odayaasha dhaqanka , waxaanay u mahadceliyey xukuumadda Somaliland , maamulka gobolka Buuhoodle iyo Guddida ka hortaga xanuunka Covid-19 oo ay uga mahadceliyeen raashinkan ay soo gaadhsiiyeen.