Guddoomiyaha Xarunta Madaxa-bannaan Ee Xuquuqal Iinsaanka Oo Ka Deyriyay Xaalada Caafimaad Maxbuuska Iyo Farriin Uu U Diray Xukuumadda
Hargeysa (Hubaal) Boqor Cismaan Buur-madow oo dhawaan xabsiga dhexe ee Hargeysa loo taxaabay, kadib markii maxkamada gobolku ay ku riday xukun dhan shan oo xadhig ah, ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa. Sida uu sheegay guddoomiyaha xarunta madaxa bannaan ee xaquuqal iinsaanka, Guuleed Jaamac Dafac oo shalay u waramay telefiisnenka HCTV, ayaa tilmaamay in Boqor Buur-madow uu xabsiga ku dhex xanuunsanayo. Garyaqaan Guuleed Dafac oo soo xiganaya sida uu sheegay warar xogogaal ah ayaa yidhi; “ Boqor Buur-madow oo shan sano lagu xukumay oo ku jira xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, warar xogogaal ah oo aanu ku kalsoonahay ayaa noo xaqiijiyay inuu xanuunsaday, oo xanuun ku dhacay oo u baahday daryeel caafimaad iyo soo jiiditaan caafimaad.” Ayuu yidhi Guuleed Dafac, waxaanu walaac ka muujiyay xaalada Boqorka iyo xanuunka lasoo dersay, “Arrintaasina runtii walaac weyn bay leedahay marka loo eego nooca xanuunka uu ka cabanayo ee ilaha lagu kalsoon yahay ay noo sheegayaan iyo inuu xidhan yahay ayna adag tahay inuu helo adeega caafimaad ee uu u baahan yahay, si noloshiisu u badbaado.” Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac
nooca xanuunka boqor Cismaan Buur-madow ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha xaquul iinsaanku ah mid aan waxba lagaga qaban Karin meesha uu ku jiro awgeed oo ah xabsi. “way dadaaleen intii karaankooda ah qolada xabsiga madaxda ka ahi, inay dhakhtar iyo wax u keento, laakiin xaqiiqadu waxay tahay maaha mid wax lagaga qaban karo xanuunka uu ka cabanayo, isagoo xabsi ku jira, oo waa xanuun la xidhiidha wadnaha, waxaanu u baahnaanayaa caafimaad buuxa oo dad takhasusu u leh oo daryeel caafimaad oo joogto ah uu helo.”
guddoomiyaha xarunta xaquul iinsaanka, Guuleed Jaamac Dafac waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay xabsiga kasoo dayso maxbuuska si uu daryeel dawo u helo, waxanu yidhi; “waxa aad iyo aad daruuri u ah inuu xoriyadiisii helo, si uu u heli karo daryeel caafimaad.”
Boqor Cismaan Aw-muxumed Buur-madow ayaa maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay 5 sano oo xadhig ah ku xukuntay 26-kii April, waxaana loo haystaa hadalo uu ka jeediyay madal beel-daajiye lagu caleemo saarayay oo ka dhacday degmada Carma ee maamul gobolleedka puntland.