Bye byeee, Germany.!! Xulkii Koobka Aduunka Difaacanayay Oo Guuldaro Waji Gabax Ah Kala Kulmay South Korea, Kana Hadhay Koobka Adduunka

0
15

Waxa fadeexad iyo ceeb adduun ay soo gaadhay xulka Germany oo guuldaro 2-0 ah kala kulmay South Korea oo xili horeba koobka aduunka ka hadhsanayd.

Xulka qaranka Germany ee koobka aduunka difaacanaya ayaa u baahnaa in ay guul gaadhaan si ay ugu soo baxaan wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka laakiin South Korea oo xili horeba koobka aduunka ka hadhay ayaa markale imtixaan ku noqotay Jarmalka iyada oo iska caabin xoogan kala horyimid.

 

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid ayna xulka qaranka Germany muujiyeen awoodii ciyaareed ee laga filayay waxayna wali ku dhibtoonayeen qaabkii ay goolal ku dhalin lahaayeen iyaga oo mararka qaar halis ugu jiray in South Korea ay xalaada ku sii xumayso.

 

DAQIIQADII 19 AAD Goolhaye Manuel Neuer ayaa qalad xun sameeyay isaga oo si fiican iskaga badbaadin waayay kubbad laaga xorta ah oo uu soo tuuray Jung wuxuuna ku sigtay in Son uu gool kaga dhaliyo qaladkiisa.

 

DAQIIQADII 39 AAD Xulka qaranka Germany ayaa markale helay fursada ay ciyaarta gool ugu hormari kareen kadib markii uu Mats Hummels helay fursad fiican laakiin goolhayaah Korea ayaa badbaadin sameeyay. DAQIIQADII 43 AAD BIRTA! Germany oo ahaa xulka laga filan karayay in ay goolka furitaanka ku hormaraan ayaa markan birta u garaacay Korea iyada oo Werner uu darbo ka dhex tuuray xerada ganaaxa.

 

Si kastaba ha ahaatee qaybtii hore ee ciyaarta waxa uu xulka Germany u fashilmay in ay wax goolal ah ka dhaliyaan South Korea oo soo guuldaraysatay labadii kulan ee ay Sweden iyo Mexico la ciyaareen waxayna culays wayn ku ahayd Joachim Low.

 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta South Korea ayay qasab ku noqotay in ay shaxdooda isbadal ku sameeyaan kadib markii uu Koo Ja-Cheol dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta soo galay Hwang Hee-Chan.

 

Xaalada Jarmalka ayaa sii xumaatay kadib markii uu xulka qaranka Sweden uu laba gool ka dhaliyay Mexico iyada oo Germany ayna wali wax goolal ah ka dhalin South Korea taas oo markaas keentay in Jarmalku ay koobka aduunka ka hadhsanaayeen waxayna haysteen waqti kooban oo ay isku badbaadin karaan.

 

DAQIIQADII 62 AAD Markii uu Joachim Low ogaaday in Sweden ay laba gool marinayso Mexico waxa uu kaydka ka soo kiciyay Thomas Muller si uu iskugu dayo in uu xulkiisa badbaadiyo wuxuuna saaray Goretzka wuxuuna waqti yar ka hor saaray Sami Khedira isaga oo Mario Gomez ciyaarta soo galiyay.

 

 

DAQIIQADII 87 AAD Mesut Ozil ayaa xulkiisa ka lumiyay fursad cajiib ahayd oo gool dhalineed waxayna xaalada Germany gashay waali kadib markii la soo gaadhay waqtigii dhamaadka ciyaarta iyada oo waliba Sweden hogaanka 3-0 kaga haysay Mexico.

 

DAQIIQADII WAALIDA!!! 90+2 Xulka qaranka South Korea ayaa sii qalbi jabiyay Germany kadib markii uu Kim Young-Gwon uu dhaliyay goolka xulka Jarmalka si rasmi ah uga cidhibtiray koobka aduunka ee ay difaacanayeen wuxuuna waqti xaasaasi ah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay South Korea hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII QUUS GOYNTA!! Alla Maxay Waxaan La Filayn ahayd!! Xulka qaranka Germany oo ku mashquulsan sidii ay waqtigii dheeriga ahaa goolal u keensan lahaayeen waxaa goolka labaad ee South Korea dhaliyay Son Heung-Min kaas oo Jarmalka si rasmi ah ugu sheegay in ayna maalintoodii ahayn.

 

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 uu xulka qaranka South Korea guul sharafeed layaableh kaga hadhay koobka aduunka laakiin waxay lugaha ku sii qaateen Germany oo fadeexaad kala kulmay kulankan iyo waliba tartanka koobka aduunka ee Russia.

 

Waxaana fursadan dahabiga ah ka faa’iidaystay xulka Sweden oo 3-0 ku garaacay Mexico taas oo la micno ah in Group E ay ka soo baxeen Mexico iyo Sweden halka Germany iyo South Korea ay hadheen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here