C.laahi-black Oo Carrab-dalab Leh Ku Aflagaadeeyay Feysal C. Waraabe Iyo Ereyo Ka Caaggan Siyaasadda Oo Uu Afka Soo Mariyey

0
60

“Dawladdan Imika Timi Maaha Tii Wax Bixinaysay, Muuse Biixi-na….Anigu {Faysal} Waxan U Arkaa Nin Siyaasadda Ka Sineysta oo Aan Ummad Hogaamin Karin.”

 

Hargeysa(Hubaal) Xildhibaanka tirsan Golaha Wakiilladda Somaliland oo shalay Warbaahinta kula hadlayey Magaaladda Hargeysa ayaa si milgaha siyaasadda ka baxsan ula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay nin ka sineysta Siyaasadda isla markaana aan u qalmin in uu hogaamin karo ummadda Reer Somaliland.  Xildhibaan  Cabdilaahi Xuseen Cige Balaaki ayaa xukuumadda cusub ku tilmaamay mid ka duwan xukuumaddihii hore oo aanay haba yaraate bixinayneyn wax laaluush ah, Xildhibaanku waxa uu Guddoomiye Faysal Cali waraabe ku tilmaamay nin dadka reer Somaliland uga basaasi jiray Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya. Xildhibaan Balaaki oo arimaas ka hadlayaana waxaa uu yidhi: “anigu waxan u arkaa faysal nin siyaasadda ka sineysta, waa qof aan ummad hogaamin Karin, qof aan dhaqan lahayn, qofkaan damiir ku jirin ayaan anigu faysal u arkaa, hadba waxaan u arkaa nin maalinba halka uu wax ka helayo ku xisaabtama.” “shalay waad ogaydeen oo wuxuu ku hadlayay maantana waad ogaydeen wuxu ku hadlayay haduu inuun faysal damiir leeyahay ummaddan muu hor joogsadeen waxna umuu sheegeen, saddex jeer buu ummadda isa soo hortaagoo saddexdiiba ummaddaa ku tidhi Uf kuma doonayno, Faysal doorashaddii ugu dambeysay codadkii xumaaday baa ka badnaa codadkii dadku siiyeen, horta qofku halkaa meeqaamka uu ku leeyahay inuu isku qiyaaso ayaa wanaagsan, laakiin faysal nin afkiisu shaandho leeyahay maaha oo waa ninkaa maalinba wax ku hadlaya, dagaal sokeeye ayaan ridayaa, dadbaa dagaal sokeeye riday, de haddii wax laysiin waayo ummaddaan ku qayliyaa weeyaan, laakiin dawladdan imika timi maaha Faysalow tii wax bixinaysay, qayli ama ha qaylinin, Muuse-na noocaa maaha Madaxweynaha la doortay oo umaba dhalan haku habsaamin baan leeyahay, dagaal sokeeye ayuu riday iyo kanuu riday aad leedahay de malaha taariikhdaada ayaanad ogayne adigu miyaanad ahayn kii ummadda dalka u basaasayey ee Af-weyne uga basaasayey miyaanad kii noocaas u dhashay ahayn, haddii aad inuun damiir leedahay inaad naftaada xisaabiso ayay ahayd.”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here