Waa halyeey ummadu hawraarsan hadaladiisa ku dhaafaan; waa horseed haddii la milicsado guud ahaan diinta, gaar ahaanna xadiithka; waa atoor alufidda kutub suuban iyo abla’ableynta axaadiithta. Waa hufe iyo haadiye weyn, yadoo ay u dheer tahay sida uu uga tabceeyo arbaha iyo hudeeca iyo hilmaamayaasha xadiith jifajifeeya ama marinhabaabiya. Waxa lagu tuhmaa aqoon bislaatay, ereyo ugub ah oo ku haboon hal-abuurka kitaab; gaalka oo lagu gamuumo; Muslimka oo la gardaadiyo waa mid lagu majeerto. Weydiintu waxay tahay haddaba ninkaasi waayo hadalku abaarayo ama si qummaati ah ugu dhacayo.
Axmed Ibnu Cali Ibnu Maxamed Ibnu Xajar. Waxa uu ka soo jeedaa qabiilada Al-Kinaani, waa reer Casqalaan, kana sii ah reer Qaahira. Waa nin Carabi ah oo Cadnaani ah. Casqalaan waa meesha ay ka yimaadeen reerkooda oo ah Falastiin ama Shaam. Laakiin isagu wuxuu ku dhashay Masar. Waxa uu caan ku yahay magaca ah XAAFID. Aqoonyahannada danbe haddii ay ku yidhaahdaan Xaafidka, isaga ayay u jeedaan. Caalimkii Casrigan Sh Al Callama Shariif Cabdi Nuur waxa uu sheegay in sheekha qoray Fiqi Sunnaha kitaabka la yidhaahdo Sh Sayid Saabiq Alle ha u naxariistee uu ku qaldamay masaladaas. Sidee tolow ayuu ugu qaldamay?
Warcelin: Shariifku wuxuu yidhaahdaa Sayid Saabiq Al Xaafid Al Mundarii ayuu moodaa Xaafid Ibnu Xajar mar mar in uu yahay Xaafidka, marka kitaabka Attarqiib Wattarhiib ee Al Mundarii marka la yidhaahdo Xaafidkii ayaa yidhi. Kumana baraarugin in Xaafid Binu Xajar waagaas aanu dhalaninba.
Xaafidku wuxuu dhashay markay taariikhda Hijriga ahi ahayd 12 Shacbaan, 773 HJ. Waxa uu ku dhashay xaafadda Misral Qadiima, waana meesha ay asxaabtii Nebigu SCW dageen markii ay Masar qabsadeen oo ku beegnayd 19 HJ, isagoo hogaaminayay Camar Binu Caas. Isaga oo yar ayuu aabihii dhintay. Kolkii uu ahaa 5 jir ayaa la geeyay dugsigii Quraanka. Sagaal jir ayuu Quraanka xifdiyay. Intaa ka dib, markii uu Quraanka dhammeeyay wuxuu u jihaystay barashada aqoonta diineed ee waagaas ku faaftay geyiga uu ku noolaa.
Xaafid Ibnu Xajar geesaha uu kolkaa abaaray inuu wax ka barto waxa ka mid ahaa: Quraanka Tafsiirkiisa, Tajwiidka, Axaadiista, Fiqiga, Carabiga iwm. Horumar baaxad leh; horseednimo muuqata; faham toosan; akhlaaq suuban; asraartan yari; aqoon duxday ayaa laga soo sheegay markiiba, yadoo uu Culimadii waagaas Masar ugu faca weyneyd uu wax ka akhristay.
Xaafidku ma ahayn baryootame tuugsada, mana ahayn taajir wax taransi mooyee aan ummadda wax u quudhin. Aabihii waxa uu uga tagay maal iyo mood badan. Tani waxay u suurtagalisay in sannaddii 784 HJ in uu u huleelo xaggaas in Beydka Alle, yadoo ay ujeedadu ahayd in uu soo guto mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee Islaamka. Isugeynta dhadhanka uu u hayay cibaadada, dhakafaarka ay ku haysay masuuliyada diinta iyo dhaad la’aanta Muslimiinta, waxay ay Xaafidku ka dhigtay mid u boholyoowa raadinta aqoon. Sidaas awgeed, wuxuu maankiisa ka helay in maanta uu joogo meel Culimo Waaweyn oo Cubbaad ahi joogaan. Hiigsigiisii iyo hamigiisa uu u hayay aqoonta daraadeed, hal-haleel ayuu culimadii Maka fadhiyi jirtay ugu hulaabtay, si uu u hantiyo aqoonta ay berri ka maalinta la dhiman karaan. Kal danbe iyo kalkaa horeba waxa uu u tafaxaydtay sidii uu halkaas jilbaha u aasan lahaa, aqoontanna uga cabbi lahaa.
Waxa ilo xog’ogaali sheegeen ama lagaga soo tebiyay in kolkii uu joogay Maka uu cabbay biyaha ZAM-ZAM ka ah, isagoo niyooday in xagga xifdiga axaadiithta uu ka gaadho darajada uu ka gaadhay Imaam Shamsudiin Addahabi. ( Imaam Addahabi waa taarikhyahannada Muslimiinta kan ku jira kaalinta koowaad, waa sheekha leh kitaabka SIYAR ACLAM ANNUBALAA, aa xadiith ruug googo’ay, cillad yaqaan cajiib ah; madhab ahaan waa SHAAFICI), sababta uu sidaas u sameeyay waxa weeye: waxa jira xadiith ka sugan Nebiga oo u weriyo Jaabir Binu Cabdillahi kaas oo sheegaya in biyaha Zam-Zam ay yihiin kolba wixii loo cabbo, ama uu niyaysto cabbuhu. Maadaama uu xadiithkaasi ka suganyahay agtiisa , Xaafidku wuxuu niyaystay in Alle SWT gaadhsiiyo darajada aqoonyahanka, taariikhyahanka, Dahabi, oo aad uu u ugu bogay aqoontiisa iyo xifdigiisa xeesha dheer. Hawraartaasi ka soo yeedhay Xaafidka waxa uu ku tusinayaa sida uu ugu boholyoobay aqoonta diinta.
Ardeygiisii Shamsudiin Assakhawi oo ah sheekha sida ugu wanaagsan uga hadlay isla markaana kitaabka ugu wanaagsan ka qoray oo la yidhaahdo “ Al-Jawaahir Wa Durar Li Tarjamati Ibnu Xajar” waxa uu yidhi, “ Alle wuu ka aqbalay Xaafidka ducadaas wuu gaadhay Dahabi wuuna dhaafay”.
Caadadada Culimada waxay ahayd waagii hore inay u jarmaadaan dhulal fog si ay u hantiyaan cilmiga biya dhigtay geeshkaas. Xaafidku wadadaasi waxay ahayd mid uu maray oo waxa la tilmaamay in uu tagay meelo ay ka mid yihiin: Xijaas, Shaam iyo Ciraaq. Wuxuu sidoo kale aad uga faaideystay cilmigii yaalay goobahaas gebi ahaanba. Dadka uu wax ka bartay rag iyo dumar ba way lahaayeen. Xaafid Ibnu Xajar sida ka muuqata magaciisa waxa uu ahaa nin Alle u aqbalay ducadiisii. Waxa uu ahaa nin akhris badan ( Muddalic; bookworm) ayaan ku sheegnaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga. Kitaabka Saxiix Al Bukhari oo ah 3 Mujalad ka daabacan yihiin, waxa uu ku xifdiyay toban fadhi oo ah inta u dhaxaysa Duhur iyo Casarka. Saxiixul Muslim oo ah laba Mujalad oo waaweyn wuxuu ku xifdiyay shan fadhi, halka uu kitaabka Dabaraani ee Mucjam Assaqiir uu ku xifdiyay hal majlis. Waa yaab iyo anfariir, waa mucjiso muuqeedu dheeryahay, waa nimco Alle ku naruureeyay Xaafidka.
Markii uu joogay Dimishiq ee uu u joogay safar cilmi, muddo ah laba bilood iyo dheeraad, wuxuu isku hubsaday boqol Mujalad oo kutub ah. Xaafid Ibnu Xajar markii uu ku leefay wixii cilmi yaalay dhulalkii Muslimiinta ee u tagay, wuxuu u guntaday dhigidda kutubta iyo qoridda labadaba. Ardey badan ayaa wax ka baratay yagoo diinta iyo dalkaba anfacay. Mansabada uu qabtay dawladihii Muslimiinta waxa ka mid ahaa: Qaadi oo uu Masar iyo Shaam labadaba xukumi jiray, muddo 21 sanno ah.
Sabti, Dil Xijja 852 HJ waxa rumoobay gabaygii uu tiriyay AHN abwaankii Soomaaliyeed ee Cali J. Haabiil
Abidkoodba rag way go’I jireen tani se waa gaw’ee
Taariikhdaa waxa geeriyooday Abul Fadli Axmed Binu Xajar Al Casqalani, yadoo lagu naanaysay Gabagabadii Xufaadda ( Khaatimatu Al Xuffaad) sida uu sheego Suyuudi. Wuxuu u geeriyooday Daacuun. Xadiith ka sugan nebiga SCW ayaa sheegayay in uu helayo ajarkii Shahiidka.
Isku soo wada duuboo, Xaafid Binu Xajar wuxuu qoray kutub aad u badan, Muslimiintu guud ahaan u bogeen. Waxa uu xooga saaray Cilmiga Xadiithka. Kitaabka lagu xasuusan karo waa kitaabka uu ku sharaxay Bukhaariga ee la yidhaado, “ Fatxul Baarii” oo ah 13 Mujalad. Kitaab ka fiican lama arag oo lagu sharxo Bukhaariga. Alle ha u naxariisto, godka ha u nuuriyo. Ummadda Muslimiintana Alle ha ka dhigo kuwii ka faaideysta cilmigii uu ummadda maanta uga tagay Xaafid Binu Xajar.
Wa Billahi Attawfiiq
GUULEED MAXAMED YAASIIN ( DALXA)
4839797