“Caalamka Waxaynu U Sheegaynaa In Qoraallada Saxaafadeenu Qortaa Ay Tahay Sixitaan & Qaab Ay Somaliland U Dhaqanto”

0
17

Amb. Cabdillaahi M. Ducaalle Oo Jileyaasha Siyaasadda Dhabta U Saaray Tallooyin Dublamaasiyeed Oo Qaddiyada Khuseeya+ Mudaharaad Khuseeya Marxad Maanta Taagan oo Uu Shacbiga Ugu Baaqay

Hargeysa-(Hubaal) – Danjire Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa ugu baaqay xisbiyada Qaranka inay wadajir u muujiyaan bulshada Somaliland iyo caalamka, waxii khilaaf u dhexeeyana si hoose uga doodaan. Mr. Cabdillaahi M Ducaale, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibeda, xilligana ah Wakiilka JSL u fadhiya Midowga Afrika oo shalay ka hadlayey xafladii xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda & Iskaashiga Caalamka iyo Wasiirkii hore ayey hadaladiisa ka mid ahaayeen,

“Muhiimada ugu weyn ee Wasaarada Arrimaha Dibeda waxa weeye in shacabkeeda runta loo sheego, oo siyaasada arrimaha gudaha ayaa kaabaysa.

“Maanta doorasho ayaa laga soo baxay, saddex xisbi ayey ahaayeen, waa la kala guulaystay, si xalaal ah oo waafaqsan sharciga, inta hadhayna waa in halkaa laga wado oo garbaha la is-qabsado.

Mr. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in qoraalada warbaahinta guduhu tebiyaan caalamku ku qiimeeyaan xaalada dal walba, waxaanu yidhi,

“Qoraalada way qoraan saxaafadeedu ayaa la moodayaa inaynu is-hayno, caalamka waxaynu u sheegayna ainaanay sidaa ahayne, tahay sixitaan, iyo qaab Somaliland u dhaqanto, oo u gaar ah”. Mar uu ka hadlayey khilaafyada dhexmara xisbiyada siyaasada Somaliland iyo qaabka u haboon inay u maraan ayuu yidhi Mr Cabdillaahi M Ducaale, “Qolada axsaabta, anigu waanigii is-sheegay oo xisbina ma ihi, laakiin, Qaranka waan u shaqeynayaa. Arrin keliyaa meesha yaala, haddaynu xitaa dibeda isku hayno, intaynu ceelka gudahiisa faraha isku soo fiiqfiiqno, marka aynu soo baxnana innagoo gacmaha is-haysana, aynu soo baxno, taasaa ayeynu caalamka tusaynaa, waayo waa dimoqraadiyad.

Mr. Cabdillahi M Ducaale ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay dareenkooda diidmada ka muujiyaan talaabo uu sheegay in dawlada Soomaaliya ku doonayso in cuna-qabataynta hubka ee saaran lagaga qaado, waxaanu yidhi,

“Maanta waxa laga hadlayaa, oo la geeyey Qaramada Midoobay, hubkii cuna-qabataynta halaga qaado Soomaaliya,waa wax laga yaabo. Soomaaliya manta hub lagu soo kordhiyo iyo Soomaaliya maaha, waayo hubka yaala ayaa Afrika gebigeedaba, qeyb dhan dumin kara, looma baahna.” Ayuu yidhi. Isagoo raaciyey.

“Somaliland waa inay mudaharaad weyn ka samayso, shacabku waa inuu ka mudaharaado. Hubka halkaa la keeno, weliba dawladaha qaar aynu ognahay inay aad ugu xaglinayaan arrinkaa, oo dabada ka wadaan, waa dawlado aan u tidhayn magaca Soomaaliba, waxayna noqonaysa dhib hor leh, waa in arrinkaa feegijnaan hor leh ka yeelanaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here