Caaqil Cabdillaahi Mataan Oo Xaal Ka Bixiyey Hadallo Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay Madax Dhaqameedka Beeshiisa

0
38

Hargeysa (Hubaal) “Anigoo Magacaygu yahay Caaqil Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, kuna  hadlaya afka cuqasha beesha Daa’uud Ismaaciil, Waxaan Doonayaa inaan si sarraaxad leh uga jawaabo hadallada xanafta leh ee iska soo daba dhacayay ee ay warbaahinta soo mariyeen qar kamid ah madax dhaqameedkayagu.  Waxaan xaal ka bixinayaa hadalladaasi ciddii ay dureen oo aan qabo in Madax dhaqameedkayagu gaar ahaan suldaan Maxamed kula qaldamay”.  Ayuu yidhi Caaqil Cabdillaahi Mataan oo daba socday hadal ka soo yeedhay suldaanka guud ee Somaliland iyo qaar kamid ah cuqaasha deegaankiisa, xildhibaan cabdilaahi mataanwaxanau intaa ku daray “ Suldaanku  haddii uu suldaan guud u yahay Somaliland, maxaa dhaliyey in uu shacbiga  ka nixiyo oo uu hadallo naxli ah ku kala dhex tuuro. Mida kale waxaan farriin u dirayaa   Wiil aan adeer u ahay  oo dhawaan uun ku soo biiray saaxadda dhaqanka ee beeshayada, waxaan leeyahay adeer  waxaan kugula talinayaa inaanad aflegaado iyo qadaf ugu wanqalin cumaamadda caaqilnimada ee  aad dhaxashay, fiirona u yeello jararka ka sokeeya hadalladan aad odhanayso, yaanay ku lug goyn   Nimankan sawirka kugula jiray  waa nimankii banjariyey caaqilnimadii aabahaa iyo awawgaa ee yaanay sacab been ah kuu garaacin.  Waxaan kale oo farriiin aan u dirayaa dadka ka xun magaca garxajis nimada ee ka qaylinaya shirka lagu baaqay ee garxajiska, waxaanan leeyahay shirkaasi kama duwana kuwii gar-adag iyo agabar ee waaa la qaban doonaa wax dhibaato ahna ma xambaarsanaa, shacbiga reer Jigjigana  waa dad walaalladayo ah oo aanu dhalasho iyo dhaxdinba wadaagno, wax colaad iyo  naxli ahna uma hayno”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here