“Caasimada Hargeysa Waxay Wax U Qabsoomeen Affartii Sanno Ee Madaxweyne Rayaale Joojiyay Kalfadhiyada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa”

0
22

Hargeysa (Hubaal) Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhayare oo kamid ah Bulshada Kunool Caasimada Hargeysa ayaa, dardaaran adag usoo jeediyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo uu ku dardaarey in aanay khilaaf ku kicinin Maayarka Caasimada,si aanu uga mashquulin howlaha shaqo ee uu bulshada u hayo,sida uu hadalkiisa u dhigay.
Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhayre oo Khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka hadhwanaagnews ayaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee wakhtigan kasoo horjeeda Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco,waxaanu usoo jeediyay Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, in aanay Maayarka ku khilaafsaneyn arimaha Bulshada iyo waxaqabadyada Danta Guud ee aasaasiga ah haseyeeshee, ay ku haystaan Arimo ku sahabsan danahooda gaarka ah sida uu hadalkiisa u dhigay.
“Xildhibaanada

gadhyare.jpgGolaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee wakhtigan,khilaafka kuwada Maayarka Caasimada Hargeysa waxa aan usoo jeedin lahaa dardaaran aan kaga dardaarayo in ay joojiyaan khilaafkaasi maadaama,ay ku burburayso waxaqbadyadii xidhiidhka u ahaa ee ay wadeen Bulshada, waxaanan idiin sheegayaa in Caasimada Somaliland ee Hargeysa,ay wax u qabsoomeen afartii Sano ee Madaxweyne Rayaale xayiraada kusoo rogay kalfadhiyada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo kaliya,intii kale oo dhan waxey aheyd buuq iyo qeylo sidaa la isku erynayay,ana waxaan idiinka digayaa in Arimaha Danta Guud idinku dhex burburaan, dadka shacabiga Reer Hargeysa badankoodu waxey aaminsan yihiin in khilaafkiinu ku kooban yahey danihiina gaarka ah haseyeeshee,aanu waafaqsaneyn danta guud iyo Arimaha Bulshada aasaasiga u ah ee waxaqbadyada xiligan socda waxaan idin leeyahey Shacbiga ha isku soo jeedinina, ee cagta u dhiga oo Maayarka la shaqeya”Ayuu yidhi Maxamed Gadhyare.
Gabagabadiina waxa uu usoo jeediyay Maayarka Caasimada in aanu ku niyad jabin Khilaafka Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee kooban, balse uu ogaado in Shacbigu barbar taagan yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here