Ka dib shir ay yeesheen odayaasha,dhalinyarada ,iyo wax garadka degmada mohamoud haybe waxaanu isla garanay inaanu cabashadayada u gudbino xukuumada iyo golaha deegaanka si dhakhso ahna wax looga qabto hadii kale aanu qaadi doono waxyaabaha nala gudboon.
sidaad wada ogtahiin degmada mohamoud haybe waxa ay ka hadhay horumarkii degmooyinka kale ee gobolka mooridi jeex haday tahay,xaga dhismaha wadooynka ,biyaha ,iyo bilicdaba.
degmada mohamoud haybe biyo ma helaan mudo ka badan 6 sano waxaana u shaqeeya booyadaha. waxaana biyo qasabadeed ay helaan uGu danabaysay 2007 dii markaas oo ay jirtay dawladii riyaale ,sidaa iyadoo ah oo biyo mudo badan aan helin waxa xukunka qabsaday xisbiga kulmiye ,taas oo markii olalaha doorashooyinka ku cadoon jirey inuu soo celin doono biyihii joogtada ahaa ee qasabada taasna cod badan kaga helay degmada , hadaba waxaanu usheegaynaa xukuumada uu gadhwadeenku ka yahay axmed maxamed maxamuud siilanyo inaan lagu wada jirayn daanina biyaha haku rushayso wadooyinkooda daanina booyadaha hadhaasadaan sidaa awgeed hadii aanu nahay wax garadka degmada maxamoud haybe waxaanu ka codsanaynaa in sida uga dhakhsaha badan wax looga qabto biyaha waxaanu leenahay xukuumada gaar ahaan wasiirka biyaha “degmadu in badanbay samirtay samirkina waa uu ka dhamaadey ee adeer si deg deg ah miyaad wax uga qaban mise talaabada nala gudboon ayaanu adeegsanaa”.
dhinaca golaha deegaan horta waxa nasiib xumo ah iyada oo xildhibaanada uGu badan ee gollaha deegaanku kazoo jeedaan amaba ka soo toosaan degmada mohamoud haybe hadana aad la wada socotaan sida ay wadooyinka dhexmara degmada yihiin waxaanu iyagana usheegaynaa “haddii ay wadooyinka dhexmara degmada sida uGu dhalkhsaha badan wax uga qaban waayaan inaanu qaadi doona talaabada uGu haboon ee ay xilkoodaa ku waayayaan’
cabdisalaan aden abdilhi
afhayeenka degmada mohamoud haybe ,
hargeisa.jarato