Addis Ababa (BBC/Hubaal)- Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mr. Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo ku jira xabsi ku yaal magaalada Addis Ababa, ayaa Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abby Axmed ka dalbaday inuu cafis u fidiyo xubnaha maamulkiisii ee la eedaysan. Mr. Ilay oo isagoo katiinaysadan markii saddexaad la horgeeyey maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa shalay, waxa uu Ra’iisal-wsaare Abby ka codsaday inuu ka cafiyo eedaymaha loo haysto oo la xidhiidha xadgudubyo bani’aadamnimo baahsan oo ka dhacay degaannada Soomaalida dalka Itoobiya oo uu muddo dhowr iyo toban ah madax ka ahaa,
Muddo 42 maalmood ah ayey xidhnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyagoo dacwad-oogeyaashu markale maxkamadda ka dalbaday shalay in xabsiga lagu sii hayo toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhammaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.
Hore waxa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xidhan ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.
Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad-oogeyaasha ka socday xeer-ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.Hore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhammaadaan waa in aad la timaaddaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yidhi garsooraha oo aad uga biyo-diidsanaa codsiga dacwad-oogayaasha ee la xidhiidha in eedaysanayaasha xabsiga lagu sii hayo maalmo kale oo dheeraad ah. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xidhan laga gaadhsiiyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, “maadaama,” ayuu yidhi; “waqti is cafis lagu jiro”. Sidoo kale, Mr. Ilay waxa uu hore cafis uga dalbaday dadka degaanka Soomaalida ee uu Madaxweynaha u ahaa.