“Cabdikariim Axmed Mooge Waxa Ka Horreeya Jid Dheer Oo Qodxani Ka Buuxdo”

0
40

Maxaad Ka Taqaannaa Isirrada Nafteenna Nugleeyey Ee Haad iyo Haanraawe  U Loogay?  W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasanqoraa maxamed baashe xaaji xasan

In qofka aadmiga ahi xagga maskaxda iyo fekerka ka xoroobi waayo, oo garashada gun ka ahaato, waxa ka dhasha in uu wax kasts si taban iyo si khaldan u qiimeeyo, cid kastana gef iyo muddarrooyin, had iyo goor, kula galgasho, oo xajiin iyo canbaarayn dusha ka marmariyo.  Ma nihin xor, ma na xoroobi doonno inta aynu indho-qabyaaladeed iyo garasho qabiileed wax kasta ku eegayno ee ku qiimaynayno dhacdooyinka dhexdeenna ka ilmo-roganaya ee heer qof iyo qaran ba ku siman.  Waxa aynu u gumownay, oo aynu boqrannay qabyaalad. Waynu u kadannay, oo iyadaynu dhabarka iyo adhaxda uga jabnay.  Inta hadda ba qabyaaladda iyo hiiladeeda qurracan isku tirinaysa in ay ka kortay ama aan ka ba korine karahday uun, waxa ay ila tahay in ay taageeraan, oo ku xidhmaan, oo xoojiyaan Ololaha Qabyaalad-diidka ah ee uu horkacay muddakarka Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan.

Cabdikariim Axmed Mooge waxa kaa horreeya jid dheer oo qodxani ka buuxdo.  Hal milyan oo dhudhun oo dherer ahi waxa ay ka bilaabmeen hal dhudhun oo keliya.  Guushu na ma dhimato, guul darradu na ma dhammaato.  Waa inoo geeddigaas dheer, oo guure iyo galab-carrow ba leh.  Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo wacad ku qaaday in qabyaaladdu aanay qoolkeeda gunnimo ku xidhan, labada indhood na ka tuurin, oo anay garashada caqliga iyo fekerka maanka na la yeelan.

Intii lay hoggaan bari laa
Anigu waan halgamayaa!

Intii aan hunguri raaci lahaa
Han durugsan baan ka doortay
Intaan heeryo qabyaaladeed qaadi lahaa na,
HImilo qaran baan ka raacay!

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here