Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Bandhigay Ceebaha Khudbaddii Guddoomiye Ka Jeediyey Chatham House Iyo Khibrad Yarida Ka Muuqatay

0
133

cabdilaahi jawaan

Hargeysa:(Hubaal)-La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka qaranka Md. Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(cabdilaahi jawaan), ayaa dhaliilay hannaankii uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro u dhigay khudbaddii uu ka jeediyey xarunta siyaasadaha caalamka lagu falanqeeyo ee Chatham House-ka, waxana uu shaaciyey inuu guddoomiyuhu baal maray habkii munaasibadaha noocaas oo kale ah looga hadli jirey.

La-talilye Cabdilaahi Jawaan oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa sheegay inay dhaliisha gudaha ahi ka reeban tahay in laga sheego xarumaha dunidu ku kulanto ee ay kamid tahay Chatam House-ku, isla markaana ay haboon tahay in dunida loo sheego wixii dalkaaga hooyo u qabsoomay iyo wixii qabyo ka ahba,  “Marka arrin caalami ah laga hadlayo sida caadiga ah wixii dhaliil  ah gudaha lama soo qaado oo lama soo bandhigo, waxana la muujiyo dhaadashada dalkaaga iyo wixii kuu qabsoomay ee wanaagsan iyo wax aka dhaamin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Cabdilaahi Xaaji Cumar oo hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay inaan goobahaas oo kale laga xusin dhaliilaha waddanka qofka hadlayaa ka socdo gudihiisa oo si guud uun loo wadlo, waxana uu yihdi, “Wixii boogo ah gudaha dalkaaga ah inaad dibadda u bandhigtaa ma aha oo cadowgaagaa ku faraxaya, midda kale waxa ay muujinaysaa inaynaan dad bisil ahayn, marka si furan caalamka looga hadlayona qofku waa inuu danta dalka xoogga saaraa, wixii dhaliil ahna inaan meelahaas oo kale la geynin baa ku habboon.”

Khudbaddii uu dhawaan guddoomiye Cirro ka jeediyey xarunta Chatham House uu badnayd dhaliilo uu u jeediyey mashaariic horumarineed oo ay xukuumaddu waddo, ayuu la-taliye Cabdilaahi Jawaan sheegay inaanay habboonayn, maadaama adduunka aan loo dhoofinin dhaliisha dalka gudihiisa taalla iyo saluugga uu qofka siyaasiga ahi qabo.

Marka la eego hogo-tusaalaha uu Cabdilaahi Jawaan bixiyey, waxa muuqata inuu guddoomiye Cirro ku dhex asqoobay xarunta Chatham House-ka ee lagu casuumay, isla markaana aanu fursaddii la siiyey uga faa’iidaynin qaranka Somaliland, balse uu taas beddelkeeda ugu soo jiiday sumcad-xumo iyo sawir aan wanaagsanayn uu caalamka gaadhsiiyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here