Hargeysa(Hubaal)-Mudane Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa diray baaq la xidhiidha geerida labadii sarkaal ee Arbacadii lagu dilay magaalada Quri-lugad ee gobalka Togdheer.
Cabdillaahi-jawaan oo la soo xidhiidhay xalay Geeska Afrika, wuxuu guud ahaan tacsi u diray umadda Somaliland, ciidamada qaranka iyo qoysaska ay ka baxeen labada sarkaal ee geeriyooday. “Tacsi ka dib waxaan arkayaa rabshado ka dhacay Gabiley iyo iyada oo aad looga hadlayo arrintii, markaas waxaan leeyahay waa nabar inagu wada dhacay oo waan in la dhayaa.” Ayuu yidhi Cabdillaahi, waxaanu intaas raaciyay” Waxaan leeyahay dawladuna xil ha iska saarto sidii loo qaban lahaa gacan ku dhiiglaha waxna loogu qaban lahaa qoysaska ay labada sarkaal ka baxeen, xubnaha kale ee siyaasiyiinta ahna waxaan leeyahay yaan la siyaasadayn o aan weji kale loo yeelin, sababtuna waxa weeye waxyaalo badan ayaa ii muuqdo, dilku muu ahayn wax laga soo shaqeeyay ee waa wax dhacay ee yaan la siyaasadayn, gacan ku dhiiglahana waa in la soo qabtaa.”