“Haddaad Samaalow [Shirka] Iman Lahayd Oo Aad Muuse Biixi La Tartami Lahayd Madaxweynuhu Wuu Idin Eegi Lahaaye…Tabashadanna Nin Golaha Dibad Kajoogaa Kama Hadli Karo”
*********
“Nin Shirkaba Qaadacay, Maxaa Loogu Cadaalad Sameyn dee Kama Hadli Karo” Wasiirka Warfaafinta
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland . Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo Yeedhay Cabdicasiis Samaalle oo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu ka coddeeyay Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ahaa Murrashaxii lagaga guulaystay tartankii murrashaxnimadda Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE dhexdiisa. Wasiirku waxa uu sheegay sida uu isaguba uga coddeeyay Murrashaxnimaddii Madaxweynaha ee Muuse Biixi uu madaxweynaha Somaliland-na xaq u leeyahay inuu qofka uu doono u coddeeyo. Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u warramayay TV-ga Qaranka, waxaanu waraysigaasi ku sheegay in shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE ahaa mid dimuqraadi ah. “Dimuquraadiyada xisbiga KULMIYE waxay la mid tahay dimuqraadiyadii sooyaalka u ahayd Somaliland, waad ogtahayoo Jamuhuuriyada Somaliland nidaamka xisbiyada badani waxa uu jiraa dhawr iyo toban sannadood, sannadkii 2002-dii baa innoogu horaysay doorashadii qabsoontay illaa maalintaa illaa maanta hanaankeenna dimuquraadiyeed wuu korayaa oo maalin walba wuu sii korayaa, maalin walbana wuxuu sii yeelanayaa xiise iyo xamaasad ka duwan tii sannadkii hore,”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Wasiir Cukuse waxa uu ka sheekeeyay nidaamkii dimuqraadiyadda ahayd ee shirkii shanaad ee Golaha dhexe qof waliba ciddii uu doonayay ugu coddeeyay, waxaanu yidhi “Shirkaa KULMIYE-na waxa uu la mid ahaa shirarkaasi. shirkaa dimuquraadiyada iiga muuqatay ayaan doonayaa inaan tusaale idin ka siiyo walina Samaalle oo aan xalay arkayey isagoo su’aalo badan oo bar kuma taalla is weydiinaya waayo way isku soo noq-noqanayeen oo hal jawaab uun bay lahaayeen su’aalahana wuu fara badaniyey oo jawaabtiisu waxa uun bay ahayd mawqifka madaxweynaha iyo dimuquraadiyada side bay ahaayeen, intaas uun bay ahaayeen marka la ururiyo, mawqifka madaxwaynaha waxa uu ahaa kaa xaqiisa shakhsiga ah dabaqay.
Waxaan u haynaa daliil markaa waxa weeyi madaxwEynuhu markii uu Londan ka soo noqday-ba waxa uu buuqii ka jiray qaban qaabada shirka waxa uu qaatay mowqif ah inuu dhagaysto dhinacyadii kala cabnayey, waxa uu dabadeed ergeeyinkii u yimid ka dhagaystay sidii xaal ahaa, dhinicii wax loo tirinayey oo ahaa hoggaanka xisbiga intii ugu saraysay darajada iyo hogaankii xisbiga qaybtiisa kale, madaxweynuhu wuu mideeyey dabadeetana wada shaqeeya buu yidhi. waa lagu heshiiyey oo sidaas ayey u dhacday, markii labaad madaxweynaha haddana cabasho ayaa soo baxday, cabashadii labaadna waxa ay noqotay in hoggaankii xisbiga ee wada shaqayn waayey ay is arkaan waxay noqotay inuu weydiiyo iyo waxa dhacay, waxay noqotay inuu guddi gaar ah u magacaabo oo ka madax banaan wixiiba oo wixiiba soo baadhay oo iyaga dul taagnaadaan.”
“Shirku qofka inuu yimaado iyo inaanu imanayn isaga ayaa xaqaa leh oo go’aankaa iska leh laakiin annagu shirka waanu tagnayoo aniga Muuse Biixi anigoo ag fadhiya waan ka footeeyey (coddeeyay), madaxwaynaha oo dhinacaa ka fadhiyaana wuu u footeeyey labadayadaba xaq baanu u leenahay waana xaqaygii, Xaglo toosiyana oo Saylici oo madxaweyne xigeenka u tartamayeyna, aniga iyo xoghayaha madaxweynaha iyo safiirka imaaraadka carabta ee Baashe Cawil waxaanu u coddeynay xaglo-toosiye, raga kale ee meesha fadhiyey ee madaxweynuhu ka midka ahaana waxay u footeeyeen Saylici,”Ayuu intaas ku daray Wasiirka Warfaafintu.
Wasiirku waxa kale oo uu difaacay in Madaxweyne Siilaanyo uu xaq u lahaa inuu cidda uu doono u coddeeyo, xusay in Wasiirka Maaliyaddu ahayd xubnihii u coddeeyay Murrashax Saleebaan Xagla-toosiye, waxaanu yidhi “Wasiirka maaliayada ayaa ka mid ahayd kuwa Xaglo_toosiye u footeeyey, markaa dimuquraadiyadaas ayaa meesha ku jirtay, taa madaxwaynuhuna muu dhinac uun ahaado oo uu ku adkaysto adeer intaba wuu ku adkaystay, xaqiisa marka shirka gudihiisa la joogo waxa aan ku kalsoonahay haddii aad iman lahayd Samaaloow amaba Maxamed Biixi iman lahaa oo dabadeetana tartankaa meesha ka jiri lahaa oo Muuse biixi ee aad la tartamaysaan dee madaxwaynuhu wuu idin eegi lahaa laakiin haddii aanu idin eegina inuu cid u codeeyaa muhkilad may noqoteen oo waa xaqiisa shakhsiga ah madaxwaynaha markuu meesha fadhiyo shirka golaha dhexe ee xisbiga waa xubin golaha dhexe ka mid ah.”
Wasiirku waxa kale oo uu xusay in wixii cabasho ah ee ka soo baxda shirkii Golaha dhexe ay ka hadli karaan uun tartameyaashii, hase yeeshee aanay u oolin murrashaxiintii shirkaba qaadacay, waxaanu yidhi “Arrinta labaadna waxa weeye qofka inuu madaxweynihii ka cawdo iyo isma qabato inuu xisbiga ka cawdo, madaxweynuhu xisbiga ma lahayn xubin uun buu ka ahaa golaha dhexe ah, tii tartanka musharaxnimada madaxwayne ku xigeenka tabasho kasta oo ka soo bixi karta waxa xaq u leh tartamayaashii oo ka hadli kara, laakiin nin shirka dibada ka joogay oo shirkaba qaadacay, maxaa loogu cadaalad sameyn waayey, Maxaa loogu cadaalad xumeeyey dee kama hadli karo maad timaadidoo u footaysid xubin golaha dhexe ka mid ah ayaad tahaye maad intaad timaadid u footaysid.”