“Cabdillaahi Cukuse Waxaan Leeyahay Waryaa Saaxiibka Xukumaddu Waa Bishoo Saddex Ah, ee ,Saaxiibadaada Suuqa Ha Isa Seegina…”

0
25

Hargeysa, (Hubaal)-Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa Cashuurta Xukumaddu ku soo rogtay Warbaahinta Madaxa banaan ku macneeyay Qiil Xukumaddu Albaabada ugu laabayso xortuqalka qalinka madaxa-banaan ee saxaafada, sidaa wuxuu ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.“Waar dalkani sidan kuma soconayo, Saxaafaddanin haddii ay jiri waydo Mucaarad-na jiri maayo,Dimuqoraadiyadina jiri mayso,markaa Xukumadna jiri mayso.haddaad inuu wax maqlaysaan oo inuu wax nasteexo ahi dalkan iyo dadkan agtiina ugu hadhay ka noqda Go’aanadaas, u dulqaata Saxaafadda shalayba waataa Mucaaradka ahaydeene,” ayuu yidhi Cali Guray.

Cali Guray wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dagaalkan lagu soo qaaday Saxaafaddu, waa Dagaal lagu soo qaaday oo lagu burburinayo Dimuqoraadiyadii, markaa kolba geed fooda la soo saaraba iyo geed gaaban iyo mid dheer oo la isugu taagaba Nuxurka dagaalkani wuxuu ku dhamaanayaa in dimuqoraadiyadii Somaliland Afka u dhacdo. Xukumaddani waxay caydh ka tahay waxa Caddaaladda la yidhaahdo, hodanna waxay ku tahay dulmiga,waxa inagaga hadhayna waa lix bilood, Saxaafaddana Cashuurtan lagu soo rogay way ogyihiin inaanay Macaashal Macaashna helin, liisankana ay wada qaateen, markaa waa wax qiil laga dhiganayo ee maaha lacag waxa loo jeedaa.”

Cali-Guray11Sidoo kale, Cali Guray wuxuu sheegay in xukuumaddu ay abuurayso falqalalo, wuxuu yidhi, “Xukumaddani Markay fadqalalo meel ka ridaba ee la gurmado ee la mooso ee wixii ay dhigtay la daweeyo, haddana meel kale ayuun bay ka fad kudinaysaa. Cabdillaahi Cukuse(Wasiirka Warfaafinta), Waxaan leeyahay ‘Waryaa Saaxiibka Xukumaddu waa bishoo saddex ahe intii Suuqa ha isa seegina,Saaxiibadaadii Saxaafadda ha isa seegina.Wasiirnimada laguma waaro, Bari waxaanu ku arki adigoo mucaarad ah oo dhulka yaala.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here