W/Q: Farduus C/raxmaan. London, faruusabdi@gmail.com
Siyaasigu bulsho kastoo uu ka dhasho dunnida, dabeecadihiisa doonistu waa mase, inta badan, mana kala jecla hadii ay ka gasho dantiisu ka takhaluska qofka dad ugu xiga, haba noqdeen ubadkiisa, waxaana tusaale nool inoogu filan laba hogaamiye oo gaadhitaanka danahooda siyaasadeed u sadqeeyey inamadoodii, isla markaana dhegta dhiiga ugu daray shirqool shil diyaaradeed ah. Waxay labada hogaamiye kala ahaayeen Mrs Indira Gandhi, Raysal-wasaare Hindiya ah iyo Maxamed Siyaad Barre, madaxweynahii burburiyey Soomaaliya. Hadaan u soo noqdo dulucda mowduuca maanta, oo ciwaankiisu yahay “Haduu Shalay Cabdiqaadir Jirde dhamaan Ummada Somaliland khiyaamay, Ma Maantuu biyo ku kabanayaa Beeshiisa” oo jawaabta ku soo koobi karno MAYA! Marka loo eego taariikhdiisu hore ugu soo khiyaamay dhamaan ummada Somaliland, maxaa maanta u diidaya inuu khiyaamo beeshiisa ARAB, maadama ay jirto danno dhaqaale ay isdhaafsadeen cabdiqaadir Jirde iyo Cabdiraxmaan Cirro, balse aanay ummadu la socon, laakiin, sida dayaxa ugu muuqanaya qof kastoo si dhow isugu eega taariikhduu shalay soo maray iyo ta maanta taagan.
Taariikhdu iyadaa is-qorta ayaa la yidhaahdaa, sannado fog, wakhtigii la soo sheegay geeridii madaxweynahii labaad ee Somaliland marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal (Ilaahay janadiisa FARDOWSA hoy ha uga dhigo isaga iyo dhamaan ummada islaamka intii geeryootay), waxuu Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo gud-xigeenkii 1aad ee Baarlamaanka Somaliland ahaa ku suntanaaday ninkii khiyaamadii iyo dembigii ugu weynayd ee abid ee soo mara ummada Somaliland ula badheedhay, isla markaana akhriyey u akhriyey QODOB DASTUURKA SOMALILAND oo aan khusayn xaaladii markaa lagu jiray, ISAGOO bulshada uga dhigay in Daahir Riyaale Kaahin dastuurku dhigayo inuu noqdo madaxweynaha Somaliland, halka qodobka sharciyan in la raaco ee dastuurka Somaliland qorayey ahaa QODOBka 151aad, farqadiisa 6aad oo u dhignayd: 6. Haddii ay ku yimaadaan asbaabaha ku tilmaaman Qod. 113Aad Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha ama midkoodba inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida) ayaa si wadajir ah muddo (45) maalmood gudahood ku dooranaya Madaxweyne iyo ku-xigeen Madaxweyne ama midkood; iyada oo uu xilka jagada bannaanaatay, muddada doorashada ka horreysa, uu hayn doono Guddoomiyaha Guurtida.” Isla markaana sifo sharci-daro uu ku saaray kursiga madaxweynaha geeridii marxuum Cigaal dabadii Daahir Rayaale kaahin, danno dhaqaale ay dhaafsadeen isaga iyo akshkhaas ay wadaageen awgeed, taaso aanay jirin laba cali oo is-weydiiyey gefka laga galay ummada, wallow inbadan ku ilaaween xaaladii dalku ku jiray iyo tudhaalaha shacabkooda.
Waxa caddeyn nool inoogu filan qormooyinkii taxanaha ee Maxamed Siciid GEES bulshada la wadaagi jiray, isla markaana ku bidhaamiyey markuu ka hadlayey geeridii Marxuum Cigaal oo mid ahaayeen erayadii GEES “Markii madaxweyne Cigaal geeryooday, waxaan la soo xidhiidhay Cabdiqaadir Jirde, una sheegay in Cigaal ku dardaarmay in Daahir Riyaale loo doorto Madaxweynaha, taasoo isaguna (C/qaadir) uu fuliyey, laakiin waxay ahayd SHARCI-DARRO talaabadaasi, waxaana aqoon u lahaa qodobada dastuurka Cabdiqaadir Jirde, Marxuum Qeybe iyo Inna-muuse Cawaale, odeyaashu Guurtidu aqoon uma lahayn dastuurka..” Maanta wuu noolyahay Ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba ha u siyaadiyo isaga iyo dhamaan ummada islaamkee, waana la weydiin karaa MARKHAATIGA hadalkan.
Haddaynu hore u soo aragnay KHIYAAMADA Cabdiqaadir Jirde kula kacay dhamaan ummada Somaliland, maxaa laga filan karaa maanta oo la sheegay in xisbiga Wadanni u cimaamaday Gudoomiye-ku-meel-gaadhka Wadanni! Hadda AKHRISTOW, la soco in xoghayaha Wadanni UURCADE fagaare shirkii golaha dhexe ku shaaciyey in Cabdiqaadir-Jirde lagu wareejin doono GUDOOMIYENIMADA XISBIGA WADANNI marka Cabdiraxmaan Cirro ku guulaysto madaxtinimada dalka 45 maalmood dabadeed, xilligana gud wadanni yahay Cabdiraxmaan Cirro, waa maxay ujeedada haddaba, ka dambaysa dhowaaqa C/qaadir iyo C/raxmaan Cirro dhegaha ugu rideen beesha ARAB iyo guud ahaan ummada Somaliland, mase jirtaa wax-is-dhaafsi labadan nin hoos u wadaageen oo dannahan is-diidan ku kala bedesheen, badi dadkuna aanay ogeyn, waxaanse u deynayaa jawaabahooda inay bulshadu kala soo dhexbaxdo ka bogashada weedhahan, inkastooy u haystaan inay ummad ay ka caqli iyo garaad badan yihiin, waxa la yidhaa “Sakaaro saalo muuqata ayey aastaa” hadda iyagaa isku caddeynaha BEENTOODA, u FIIRSO AKHRISTE: qoraal ayuu Gud Cirro soo saaray doraad isagoo ku saxeexan Gudoomiyaha Wadanni, maalintii xigtay oo shalay ahaydna waxa xisbiga wadanni soo saareen qoraal Cabdiqaadir Jirde lagu sheegay Gudoomiyaha wadanni? Teebaan qaadanaa? Ama maxaa lagu aaminayaa xisbiga maanta isagoon XIL UMAD u dhiiban sagaalka hadal ku kala hadlaya, maxaa laga filan karaa inay samayn doonaan berri hadii ay xil u qabtaan, wallow aanay muuqan ifafaalaheediiye!
Ta koowaad, ma jirto xil Gud-ku-xigeen-ku-meel-gaadh la yidhaahdo, xisbi Gudoomiyahiisa iyo ku xigeenadiisu jiraan, weedhaha guud ahaan ummada Somaliland iyo gaar ahaan beesha C/qaadir Jirde loo MUUSEEYEYNA tahay been, sidaana loo daalacan karo.
Ta labaad, beesha C/qaadir Jirde waxa taageerada CODKOODA loogu tashaday BALLAN-QAAD been ah, balse, uu ka sugan yahay xilka Hogaamiyaha loo iclaamiyey Xirsi Cali X. Xasan oo waajibaadkiisa la sheegay, inkastoo hadii xitaa ay dhab noqoto uga degitaanka Gudoomiyaha, qaanuuniyan sharci-daro tahay, maadama xilka gudoomiyaha iyo ku xigeenada iyo xoghayaha guud ay magacaabaan ergooyinka shirweynahu, awoodaana cid kale yeelan Karin, xitaa golaha dhexe, Inna-sanweynena-u-geeya, hadaad doontaan.
hadaan u qaddarno in C/qaadir lagu wareejiyo guusha madaxtinimada Cirro oon hore aynu u sheegnay inaan xisbiga wadanni ifafaalaheedii hayn, ta Ilaahay waa meesheede, intaanu gaadhin doorasho uu ku tartamo xisbiga wadanni oo C/qaadir Jirde Gudoomiye ka yahay, waxa buuxsammaya 10 sannadood-2012, lana gaadhaya wakhtigii dib loo furi lahaa ururo cusub, oo saddexda xisbina soo tartamayaan, akhristow, miyaanay suurtagal 100% ahayn in siyaasiyiin beesha Cirro ka soo jeeda samaystaan ururo cusub, miyey ku khasbanaanayaan beesha CIRRO inay dib u taageerto xisbiga wadanni oo musharax kale horboodayo, waa CALAACASHAA oo TIMO ka soo baxaan, saadaashaa labadan nin ee guriga madow dannaha isku weydaarsaday way odorosi karaa, balse bulshada ummay bayaamin.
Waxaan kaga baxayaa hadaan loo arkin maqaalkan mid si dhow loogu bidhaaminayo dhaliilaha dahsoon ee xisbiga WADANNI iyo booraanta C/qaadir Jirde iyo C/raxmaan Cirro u qodayaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo gaar ahaan beesha ARAB, bal labaduba way joogaane, CADDEYMO caqligu qaato haka siiyaan UMMADDA.
NINA DHUUNUU KUU DHEXJOOGAA-NINA DHAQASHUU KUUGU DHABAR GO’AY