Maamulaha guud ee DAHABSHIIL oo ka qaybgalay Kulanwaynaha Caalamiga ee horumarka maalgelinta ee ka qabsoomay Addis Ababa
Addis Ababa (Hubaal)- Maamulamaha guud ee shirkadda DAHABSHIIL Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorka shirkadaha ka shaqeeya isu-gudbinta lacaguhu ku leeyihiin horumarka dalalka iyo bulshooyinka la gaadhsiiyo.
Maamule Cabdirashiid oo isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil ka qaybgaleen kulan-doceed ay qabanqaabiyeen ururka IGAD, hay’adda UNDP iyo dawladda Itoobiya oo lagaga hadlayey arrimaha isu-socodka lacagaha, kaas oo qayb ka ahaa shirka saddexaad ee maaliyadda iyo horumarka (Third International Conference on Financing for Develeopment) oo ah mid caalami ah oo dunida oo dhami isugu timi muddo saddex maalmood ah oo uu ka socday magaalada Addis Ababa (13 – 16 July 2015), waxa uu ka hadlay qodobada lagu falanqeeyey kulankaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen kaalinta horumarka ee lacagta la isku diraa u leedahay ee dhinacyada cuntada iyo ammaanka ee dalalka Gobolka Geeska Afrika oo inteeda ugu badani soo gaadho.
Cabdirashiid waxa uu xusay in shirkani muhiimad aad u wayn leeyahay, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee dhinacyada lacagaha la isu diro sida wasiirrada lacagaha ee dalalka IGAD, waddamada qurbaha ee inta badan lacagaha laga soo diro iyo shirkadaha ka shaqeeya isu-socodsiinta lacaguhu meel isugu yimaadaan, lagana wadahadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarka ay ka qaybqaadato lacagtaasi iyo sidii loo wada ilaalin lahaa sii shaqaynteeda. “Sidaynu la soconno lacagta dibadda laga soo diraa waxay qayb ka qaadataa horumarka dhinac walba ee waddamada Geeska Afrika ka jira, waxaannay wasiirrada dalalka IGAD ee ka hadlay shirkani dhammaan qireen in dadka dalalkooda u dhashay ee qurbaha ku nool Yurub ama Maraykan ee isticmaala shirkadaha sida Dahabshiil oo kale ee lacagta soo dirayaa inay ka qaybqaataa horumarka waddamadan ee dhinacyada ammaanka, cuntada iyo guud ahaan nolosha, isla markaana wax allaale iyo wixii looga baahan in shirkadahaa lagu taageero, wixii kale ee sharciga sii hagaajinayana la sii xoojiyo,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee idaacadda VOA-da. Shirkan waxa lagu sameeyey gole ka wada shaqeeya arrimaha isu-socodka lacagta ee dalalka lacagaha laga soo diro iyo kuwa loo diro ee qurbaha, waxaanna Maamulaha Dahabshiil oo arrintaasi ka hadlayey uu yidhi, “Runtii go’aamada ka soo baxay shirka ee la odhan karayo waa go’aamo wanaagsan oo u dan ah dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee gobolkaba waxa ka mid ah in lagu dhawaaqay ama horeba dhawaan loo sameeyey gole ay isugu imanayaan dad ka kala socda waddamada lacagtu ka imanayso ee sida Maraykan iyo Yurub iyo kuwa ku yaal gobolkan Geeska Afrika, kaas oo ay ku faaqidayaan wax allaale iyo wixii hubinaya in lacagtu si joogto ah u soo gaadho waddamadan Geeska Afrika oo aanay marnaba istaagin, isla markaana dhinac walba dalalka lacagtu ka imanayso iyo kuwa ay imanaysaaba ku qanacsan yihiin inay si ammaan ah oo waadax ah u soo gaadhay, iyadoo markaa sharciyadii loo baahnaana la ilaalinayo.”
“Waxa kaloo la islaqaatay in waddamada lacagta ay ka soo dirayaa dadka qurbaha joogaa inay bangiyada iyagoo shirkadaha sida Dahabshiil oo ka mid tahay isticmaalaya soo maraan, waayo haddii kale lacagtu suuqa-madow galayso oo taasina aanay waddamada qurbahana dan u ahayn, kuwan kale ee Geeska Afrikana aanay dan u ahayd oo mar walba ay doonayaan inay marto sharciga. Annagu haddii aannu DAHABSHIIL nahay mar walba waanu soo dhawaynaynaa wixii sharciyada caalamku ay khasbayaan si dadka ay u socotaa mar walba masaariiftooda u helaan,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.