Hargeysa (Hubaal) – Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo hore u ahaa Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta, ugu magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, isla wareegtadan waxa xilkii laga qaaday Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yidhi sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka..”
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.