Waxaa Uu Taxay Dhacdooyin Is Barkan Oo Safarkii Madaxweynaha Ka Dembeeyey
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil (Cadami) ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee waqti xaadirkan dalka ka oogan, gaar ahaanna hirdanka ka dhexeeya dhinacyada ku laacdamaya shirka shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, xilli uu dalka dibadiisa ku maqan yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa.
Cabdiraxmaan Cadami oo Qormo uu kaga hadlayo amuuro kala duwan xalay soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska HUBAAL ee magaalada Hargeysa waxaa uu farta ku fiiqay loollanka siyaasadeed ee xisbul xaakimka ka dhex socda kaasi oo uu ku maseeyey ciyaar kubadeed oo laba naadi dhex maraysa, iyada oo aanu garoonka ku sugnayn garsoorihii (Siidhi-hayihii). Qoraalka Cabdiraxmaan Cadami oo isugu jira xog-waran, hogatus, naqdin iyo dardaaran waxaa uu ku bilaabay sidan: “27 Sept. 2015 madaxweynihii jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud wuxuu safar shaqo ugu kicitimay dalalka imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyada Ireland markii uu casuumad rasmi ah ka helay.
Dhawr maalmood kadib markii uu dhamaaday wada hadaladii uu la lahaa madaxda Ireland wuxuu booqasho aan rasmi ahayn oo isaga u gaar ah ku tagay boqortooyada Ingiriiska oo uu weli ku negi yahay.
Madaxweynuhu wuxuu dhoofay iyada oo dhibaatooyin ka jiraan dalka sida dhaqaale xumo iyo sixir barar aafeeyey suuqyada iyo noloshii dadweynahaba siiba kuwa danyarta ah, wuxuu dhoofay iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro baahsani iyo biyo la’aan, waxa kale oo jiray oo uu ka tagay xiisad iyo ismaan dhaaf sharci oo u dhaxeeyey xukuumada iyo golaha wakiilada iyo buuq ka dhashay wareejinta Haamasha shidaalka; safarkiisa ka hor madaxweynuhu wuxuu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay ka soo qayb galaan ciyaar kubada cagta ah oo siidhwalihii ka maqan yahay waliba isaga oo aan si “official” ah u shaacin inuu ciyaarihii ka fadhiistay iyo in kale.
Intaas oo dhan oo jirtay hadana dabedii waxaa dhacay rabashado kale oo dad ku dhintay. Runtii xaalada dalku marayo may ahayn inuu masuulkii ugu sareeyey ka maqnaanado mudo intaa leeg, waxay ahayd inuu soo gaabiyo booqashadiisa.
Si kastaba ha ahaatee waa wax dhici kara inay madaxweynaha la soo darsaan xaalado uu dalka kaga maqnaan karo waxaase masuuliyadihii madaxweynaha la wareega oo hawlaha sii wada madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada oo is xilqaan dheeraad ah muujiya si aan loo tabin maqnaanshaha madaxweynaha laakiin ragii uu dalka kaga tagay: madaxweyne ku xigeenkii, golihii wasiirada intooda badan, agaasimiyaashii guud iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladu waxay u kala ololeynayaan musharixiinta ku loolamaya hanashada murashaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, waxay faraha ka qaadeen hawlihii ay qaranka u hayeen, lama tago xafiisyada, iyadoo ay markii horeba baylihi jirtay ayey hadana sii baylahday.
Dadweynuhu waxay la yaaban yihiin ama ku qoslaan marka ay shaashadaha ka daawadan saddex masuul oo ka wada tirsan wasaarada qudha (wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasime guud) oo kala taageeraya ama la kala safan saddex musharax.
Waxaa baaqday shirarkii golaha wasiirrada, talo iskuguma yimaadaan kooxiba koox ayey ku maqan tahay oo isma arki karaan. Maadama oo aanay jirin xukumada wada socota laysma waydiin rabshadihii Boorama ka dhacay iyo khasaarihii ka dhashay, damintii shaqaaqada waxaa ku kaliyeystay ciidamada bilayska oo taageero ka helayey ciidamada qaranka. Wali waxa maqan doorkii iyo siyaasadii xukuumada si xal kama dambays ah looga gaadho wixii dhacay iyo wixii sababay.
Si kale haddii loo dhigo waxaa laysku raacsan yahay in aanay maanta dawlad shaqaysaa ka jirin dalka.
Gabgabo:
Shacabkii Somaliland wadnaha ayey farta ku hayaan waxay ka baqanayaan in laga kala tuuro nabad galyada iyo wixii ay dib u yabyabeen afar iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyey oo ay madaxdii dalku sabab u tahay, waxay isku hiifayaan inay doorteen xisbi iyo xukuumada aan masuuliyada dalka qaadi Karin.
Cabdiraxmaan Cadami