“Cabdiraxmaan Cirro Dadkii Lasoo Shaqeeyey Ayuu Sidii Iska-Rogada Iska Daadiyey, [Annaguna] Waxaanu Jecelnahay In….”

0
46

Eng. Faysal Cali-waraabe

faysal-cali-warabe

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa xisbigaas, Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in dhiggiisa xisbiga WADDANI hogaamiya Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) uu dhammaanba dadkii taageerayaasha ahaa ee la socday si ku-talo gal ah iskaga dareeriyey.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlay madal uu hadhimo-sharafeed ugu sameeyey garabka xisbiga WADDANI katirsan ee uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, ayaa sidoo kale cambaareeyey qaabkii uu xisbiga WADDANI ula dhaqmay guddoomiye-ku-xigeenkooda haatan garabkan hoggaamiya, waxana xusay in arrintaasi halis ku tahay dimuqraaddiyadda iyo xisbinimadaba.

Faysal Cali-waraabe oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi,“Cabdiraxmaan Cirro sidii iska-rogadii ayuu iska rogay dadkii lasoo shaqeeyey, taasina ma qurux badna inaad dadkii kula soo shaqeeyey aad iska rogtaa, waxana aanu jecelnahay inay guddida diiwaangelinta ururradu ay caddaaladda qaadi doonaan, weligeedna lama arag guddoomiye-ku-xigeenkii sharciga lagu doortay uu nin aan cidiba dooran oo xisbiga shalay soo galay yidhaahdo waan caydhiyey.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu Faysal Cali-waraabe hoosta ka xarriiqay inaanay sharci ahayn tallaabadii uu xisbiga WADDANI ku sheegay inay caydhiyeen Axmed Muumin Seed, waxana  dhaliilay xilka uu guddoomiye Cirro ka hayo golaha wakiillada oo uu sharci-darro ku tulmaamay,“Sida aanay guddoomiyenimada Cirro ee wakiilladu sharci u ahayn, ayaanay caydhinta Axmed Muumin Seedna sharci u ahayn, inagu sharciga ma ilaalinee reerkaa laga baqaa, reer baana laga baqayaa” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Faysal Cali-waraabe waxa xisbiga WADDANI usoo jeediyey inay sharciga ilaaliyaan, isla-markaana maanka ku hayaan in guddoomiye Seed lagu doortay shirweyne oo aanu ahayn qof si

Guddoomiye Faysal waxa uu Guddoomiye Seed iyo garabkiisa ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan sidii ay caddaaladda ula tiigsan lahaayeen guddoomiye Cirro, waxana uu u rajeeyey inay natiijo caddaalad ah heli doonaan, maadaama ay tirsanayaan in dulmi badan loo geystay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here