Cabdiraxmaan Cirro Oo Dareenkiisa Ku Ladhay Libtii Ay Nebi Muxammad NNKH & Asxaabtii Kasoo Hooyeen Duullaankii BEDER

0
43

Guddoomiye Cirro Oo Dhoollatuskii Shalay Iyo Foolladaynta Maantu Ay Ula Ekaadeen Duullaannadii BEDER & Farxaddii Qaswatul-UXUD

“Waxaanu Doonaynaa In Sidii Daahir Rayaalle Uu Madaxweynaha Uga Noqday Dalkan Ay Cid Waliba Uga Noqoto”

ssss

Hargeysa (Hubaal) -Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in miisaankii siyaasadeed ee Somaliland uu u soo ciirray dhinaca xisbigiisa, taasina ay dhabaha u xaadhi doonto inay talada dalka kala wareegaan xisbiga KULMIYE, iyaga oo dimuqraadiyad u maraya. Cabdiraxmaan Cirro oo maalintii shalay hadal ka jeediyey xaflad uu xisbiga WADDANI ku qaabilay siyaasiyiin kasoo jeeda hargeysa oo cududdooda ku biiriyey xisbigaas waxaa uu sheegay in WADDANI yahay xisbi la wada leeyahay oo aanay cidina cid kale ka xigin hoggaamintiisa.Khudbada Cabdiraxmaan Cirro oo xafiiska warfaafinta ee xisbiga WADDANI u qaybiyey warbaahinta ayaa nuqul kamid ah oo wargeyska HUBAAL soo gaadhay waxaa uu u dhignaa sidan:“Maanta [shalay]aad baan u faraxsanahay, runtiina haddii af Soomaaligaygu yara qaldamo waa farxadda ee ha ila yaabina, waxaana aan jeclahay in aan marka hore dadka qiimaha leh, ee miisaanka leh, ee siyaasiyiinta reer Hargeysa ah ee maanta ku soo biiray Xisbiga WADDANI in aan ku hambalyeeyo go’aankooda ah in ay xoojiyaan oo miisaamaan, aad baan ugu faraxsanaha, marka waxa kaliya ee aan hubbaa waxa weeye in kefadda siyaasadda Somaliland uu wax weyn ka bedeli doono Miisaankoodu , kefadda siyaasiga ah ee Somaliland maanta way ciirtay oo waxa ay u ciirtay xagga WADDANI, waxa aan qabaa in munaasibaddan, xafladdani in ay astaan u tahay astaamo badan oo si dimuqraadi ah xukunka looga gala wareegaayo Xisbiga KULMIYE. Waxa aan ku tilmaami karaa in ay tahay qaswaddii ugu horreysay ee qaswatul BEDER ah, hadda ha yaabina, berrito na waa qaswato UXUD, kuwa dambe sii sheeg sheegi maayo si dadka qaarkood aanu shuban ugu dhicin, walaaleyaal waan kaftamayaa maanta oo waxa aan isleeyahay in [qeyb] aanu saaxiib ahayn waan tebayaa, waa kuma ninkaasi, waa saaxiibkay xildhibbaan Cabdiraxmaan Dheere. Waxa kale oo jirta walaaleyaal kelmad aad carabka looggu xoojiyey oo la yidhi odeyaashii hore gogasha ha ka kacaan, taana waan soo dhaweynayaa, qofka ugu horreeya ee ka kacayaana waa aniga, waxa aan ka kacayaa waa kursigii ugu sarreeyey ee Xisbiga oo aan ku soo dhaweynaayo beesha gobalka Hawd, xafladdeedii na waa maalin dhow, waxa ay saaxiibaddey diyaar u yihiin, waxa ay saaxiibaddey diyaar u yihiin in ay ka kacaan kuraasida oo ay ku soo dhaweynayaan ragga miisaanka leh, kuwa beri imanaya iyo kuwo kale ba, inta ba waan ku soo dhaweynaynaa. “Xisbiga WADDANI, magaciisu na waa WADDANI, ujeedaddiisu na waa in uu qarankan mideeyo oo uu ka dhigo qaran la wada lee yahay, qaran aan cidna u suntanayn oo kuraasiddiisa loo siman yahay, qaran awoodihiisa loo siman yahay, qaran xuquuqdiisa loo siman yahay, dhammaanteena aynu nahay muwaadiniin wada siman, sumadda uu xisbigu u wada halgamayaa waa maamul wanaag in umaddu wada hesho, waxa aan isleeyahay haddii aynu maamulka wada wanaajino wax walba waa ay innoo hagaagayaan, waxa aynu haysanaa waa ay innagu wada filnaanayaan, waxa aynu xuquuq u yeelanaynaa in aynu wada xisaabtanno, madaxda qarankana aynu la xisaabtanno, waxa aynu awood u yeelnaynaa in aynu nidaam dawladdeed oo tiirar ad adag ah aynu samaysano, waxaana aynu markaa awood u yeelanaynaa in aynu midnimaddeena iyo amnigeena aynu wada sugno, raggii hawshaas qaban lahaana raggan aynu maanta u fooladeynayno ayaa ugu horreeya, ragga beri baa ku xiga, intii hore u joogtayna waxa ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan talada, talada maanta lama kala laha, intayaddii hore u joogtay iyo inta berri imanaysaba mar walba waa tallo-wadaag xisbiga WADDANI. Waxa aan doonaynaa in Xisbiga WADDANI aanu noqonXisbi ku meel gaadh ah, se uu noqdo Xisbi qarankani wada leeyahay oo inanka Dhahar ku nool iyo ka Taleex ku dhashay ba ay guddoomiyeyaal ka noqdaan ayaan doonaynaa, waxa aan doonaynaa in ka Saylac ku dhashay iyo ka Boorama ku dhashay ba ay madax ka noqdaan Xisbiga WADDANI, waxa aanu doonaynaa in dalkan siddii uu Daahir Ra’yaale uu madaxweyne uga noqday in cid walba ay madaxweyne uga noqoto, waxa aynu doonaynaa in aynu xisbiga na wada dhisano, qaran kana wada dhisano. Walaaleyaal aad baan idiin ku mahad-naqayaa raggii iyo hablahii ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxa aan aad u soo dhaweynayaa qurba-jooga Xisbiga WADDANI oo aan is lee yahay waa laf dhabarta Xisbiga WADDANI, haddii ay ra’yi noqoto, haddii ay tallo noqoto iyo haddii ay dhaqaale noqota ba, waanan rajeynayaa in Qurba-jooga iyo madaxda cusubi na ay is bartaan haddii Illaahay ka dhigo. Somaliland ha noolaato, Somaliland ha noolaato.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here