Cirro Oo Sharraxay Sababta Uu Uga Baaqday Dooddan Oo Qorsheysnayd In Uu Ka qayb-galo+ Waxaa Uu Duray Daadihiyeyaashii & ciddii soo qabanqaabisayba
“Waxaan Shacbiga U Sheegayaa Ninkii Dood Doonayaa Hasoo Diyaar Garoobo Hadh Cad, Doodahana Si Baa Loo Qabtaa, Anigana Sida La Ii Sheegay [Doodda Xalay] Waxay U Eekayd Meel Uu………”
Hargeysa (Hubaal)- Dooddii siyaasadeed ee u horreysay ee dhexmarta loo qabto murashaxiinta axsaabta ee ku loolamaysa doorashada kursiga madaxweynaha oo xalay lagu qabtay magaallada Hargeysa ayaa waxaa isku hor fadhiistay isla markaana dareenkooda ku soo bandhgigay labada murrashax Madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Waraabe. Dooddan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo la doonayey inay dhaxmarto dhammaan saddexda murrashax ee xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa waxa isku haleelay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo murrashaxa Madaxweynaha UCID Md. Faysal Cali-waraabe, waxase aan ka qaybgalin oo diiday inuu ka qaybgalo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isagu markii ay soo gebogabawday sheegay in aan haba yaraatee lagu soo casuumin isla markaana waxba kala socon dooddaas oo uu qaybinayay Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo katirsan madasha wadatashigu.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaa uu ku hanjabay in dood uu diyaar uyahay ciddii u baahan in ay is hor fadhiistaanna ay u soo diyaar garoobaan xilli hadh cad ah, “Waxaan Shacbiga u sheegayaa aniga la iguma wargelin dooddaas, cidina igumay casuumin la iimana sheegin ee dad uun baa isoo weydiiyey in halkaa [Hotel Guuleed] ay kajirto doodi, wasaaradda waxbarashaduna imay soo casuumin, madalina [madasha wada-tashiga] imay casuumin, qof ilasoo hadlayna ma jiro, ragga la igu yidhi meesha ayay ka hadleen [daadihiyeyaasha doodda] ee yidhi [Cabdiraxmaan] wuu ka cudur-daartayna waxba kama jiraan waayo marka horeba la iima sheegin, markaas intaas baan shacbiga u sheegayaa”. Sidaas ayuu yidhi murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro oo markii dooda laga soo dareeray kadib magaallada Hargeysa kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta muuqaalka ah [TV-yada]. Cabdiraxmaan-cirro waxaa uu ku ku baannay isla markaana ugu hanjabay murashaxiinta dhigiisa ah in haddii dood la isku hor fadhiisinayo ay soo diyaar garoobaan hadh-cad “Ninkii dood doonayaa hasoo diyaar garoobo hadh cad, doodahana si baa loo qabtaa oo ama TV baa qabta,ama machad cilmi ah baa qabta laakiin wasaarad ay dawladdu leedahay ma qabato dood, waayo xukuumadda ayay ka tirsan tahay, xisbi bay ka tirsan tahay, sida la ii sheegayna [madasha doodda lagaga hadlayay] waxay u eekayd uun meel uu KULMIYE ka botorinayay”. Ayuu Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga WADDANI ku dooday.