Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Odayeeyey Doodii Xildhibannnada Xisbigiisu Ka Qabeen Doorashadii Guddoomiyaha Wakiillada

0
96

Cabdiraxmaan-cirro,  Baashe M. Cadde Iyo Cabdiraxmaan Talyanle Oo Ka Hadlay Heshiis Laga Gaadhay Khilaafkii Golaha Wakiillada

 

Hargeysa(Hubaal):-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka tanaasulay doodii ku saabsanayd in xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ku guulaystay kursiga gudoomiyaha golaha wakiillada.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo ka odayeeyey heshiis lagu soo afjaray khilaafkii golaha wakiilada iyo damacii xisbiga Waddani ayaa sheegay in xisbigiisu wax walba ka raacay danta qaranka.

Gudoomiye cirro oo la hadlay warbaahinta shalay jimcihii ayaa ka waramay sida ay u soo afjareen khilaafkii golaha wakiilada ee ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha waxaanu yidhi “Murankii ka taagnaa golaha wakiillada somaliland sida aad ka war qabtaan waxa uu la xidhiidhay doorashadii jagada gudoomiyaha golaha wakiilada ee la qabtay 7-dii bisha August ee sanadka 2017, waana la codeeyey balse natiijadii lagu dhawaaqay iyo codku kala jaad ayey noqdeen, natiijadii waxa loogu dhawaaqay gudoomiye Baashe Maxamed Faarax codkana 39-ka waxa helay Cabdiraxmaan Talyanle oo tartamayey, [balse] Somaliland dhaqan ayey leedahay, xisbi ahaan iyo mudanayaal ahaanba waxanu u ergoonay golaha guurtida sidii dhaqanku ahaan jiray balse garawshiyo lagama helin, ka dibna maxkamada ayaa loo gudbiyey taas oo golaha ku soo celisay, iyada oo arrintaasi taagan waxaanu garanay in shacabka iyo dalkaba loo tudho, warwarka faraha badan ee hayana laga kor qaado, waxaanu garanay in hay’addaha kale ee qaranka ee marka khilaaf yimaado xalin jiray markay ku guul daraysteen arrintaas inaanu anagu isku noqono oo aanu xildhibaano ahaan iyo xisbi ahaanba aqbalno inuu gudoomiye yahay Baashe Maxamed Faarax,” Dhinaca kale gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isaguna ka dareen celiyey heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii golaha ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu joognaa guriga gudoomiyaha xisbiga Waddani, gudoomiyuhuna xajka ayuu u socdaa waanan u imid odayaasha, cid kastaana ha hesho ee golihii khilaaf ayaa ku jira dalkana khilaaf ayaa galay, Cabdiraxmaan Cirro-na waxaan ku idhi waadiga Xajka tagayee, Xajka halaaga aqbalee adiga oo aan xalin khilaafkan xajka ha tagin, nasiib wanaag abtigay Cabdiraxmaan tanaasulka uu sameeyey, dalka iyo golahaba waxay u tahay badbaado.” Gudoomiye Baashe ayaa sheegay inuu dhex u yahay golaha “Aniguna haddii aan gudoomiye ahay iyo haddii kalaba dhex ayaan u ahay golaha, gole khilaaf ka jiraana noqon maayo gole.”

Sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ku doodayey inuu ku guulaystay gudoomiyaha golaha wakiilada oo isaguna ka hadlay soo afjarida khilaafka golaha ayaa waxa uu sheegay inuu u tanaasulay gudoomiye Baashe balse uu isagu helay codka waxaanu yidhi “Anaga oo aan eegayn dhinac sharci iyo dhinac cod, anaga oo mar walba qiimaynayna umada somaliland, anaga oo qiimaynayna golaha wakiilada, waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan odayaasha isla garanay inaan umada somaliand u sheego inaan ka tanaasulo kursigii aan anigu doorashada ku helay ee ay 39-ka cod iigu doorteen xildhibaanada golaha wakiiladu, kaas oo aan uga tanaasulay Baashe Maxamed Faarax.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here