Cabdiraxmaan Cirro Oo Mar Kale Quudhsaday Saamaynta & Miisaanka Uu Leeyahay Garabka Taladiisa Lagu Musuq-maasuqay Ee Muumin Seed Hoggaaminayo

0
25

AKHRI:  Magacyada Xubno Aan Saamayn Lahayn Oo Guddoomiye Cirro U Xilsaaray Soo Lad-qabaynta Garabka Ka Jabay Xisbigiisa

Guddoomiye Cirro Oo Siyaasiyiinta La Baxay Garabka Toosinta Iyo Caddaaladda Waddani Ku Tilmaamay Laba Xubnood Oo Xisbiga Ka Maqan

 garabyada-waddani-u-kala-baxay

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa shan laalmood kadib khilaafkii xisbigiisa labada garab u kala jabiyey u magacaabay guddi kooban oo soo turxaan saarta. War qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye Cirro, ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo aan awood buuran ku dhex lahayn xisbiga loo xilsaaray inay soo ladqabeeyaan garabka xisbiga  cadhada kaga maqan, balse  magacyada laba masuul ayaa qoraalkan lagu sheegay inay xisbiga cadho kaga  maqan yihiin. Qoraalkan oo ah mid ay muuqato quudhsi iyo yasid mar kale uu guddoomiyuhu kula kacayo garabka uu Axmed Muumin Seed hoggaamiyo, ayaa lagu sheegay in cidda xisbiga ka maqan ee lasoo ladqabaynayaa yihiin labada guddoomiye ee Cirro xilalka xisbiga uga hooseeya oo iyagu cadho ku maqan, waxana meesha laga saaray xubnaha kale ee iyagu maqan oo xilal kala duwan xisbiga ka hayey. Xubnaha uu guddoomiye Cirro shaaciyey inuu ergo ahaan u dirsaday, ayaa ah qaar saamayntoodu hoosayso, isla-markaana aan guul ka gaadhi Karin saluuga bulshadu markhaatiga ka tahay ee ay tirsanayaan garabka uu Axmed Muumin Seed Hoggaaminayaa, waxana ay kala yihiin, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Milgo Maxamed Cilmi iyo Jamaal Jaamac Xaamud. Marka haddaba la eego saamaynta iyo awoodda saddexda xubnood ee uu guddoomiye Cirro u cumaamaday inay dib usoo celiyaan garabka xisbiga ka maqan ee godobta ka tirsanaya isaga laftiisa, ayaa ah qaar aan awood buuran xisbiga ku dhex lahay, isla-markaana aan go’aan ka gaadhi Karin dalabyada ka iman kara xubnaha xisbiga dibadda kaga maqan oo maalinba maalinta ka dambaysa teegeerayaal kale xisbiga kasii dhex helaya. Lad-qabada uu xisbigu ugu jiro soo xero-gelinta xubnaha deelqaafka ka tirsanaya guddoomiyaha WADDANI, ayaa bilaabantay gelinkii dambe ee sabtidii ina dhaafta oo uu shirka golaha dhexe ee xisbigaasi dhacay, waxana guuldarro kusoo idlaaday isku dayo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo dib loogu soo celinayey, waxana ay taasi keentay inuu guddoomiye Cirro quus muuqata istaago. Haddaba waxa su’aali ka taagan tahay sababta uu guddoomiye Cirro shan maalmood kadib godobta isaga loo tirinayo ee xisbiga dhexdiisa ka dhacday ugu magacaabay saddex shakhsi oo xataa ugu yaraan aan xidhiidhi hoose la lahayn hoggaanka garabka maqan, isla-markaana aan awood ay go’aan ku gaadhi karaan lahayn. Filashada natiijo saddexdan xubnood kala yimaadaan garabka ay  horeba usoo loodin waayeen  hormoodka dhaqanka Beesha guddoomiye Cirro iyo weliba siyaasiyiinta tirada yar ee xisbiga dhexdiisa dhexdhexaadka kaga tilmaamani, ayaa aad u hoosaysa, weyna adag  tahay inay halkaas ka dhacdo wax isu soo dhawaan  iyo is-fahan ahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here