Daawo Waraysi Xog Badan Huwan Oo Weriye Feysal Fadh-fadhle La Yeeshay Guddoomiyaha Wakiillada/WADDANI
“Dad Badani Haddii Ay I Daawadaan Dunida Meel Kasta Oo Ay Joogaan Haddii Ay Wejigayga Garan Waayaan WAxaan Filayaa Inay Magacayga Gartaan”
************
“….Nin Walba dedaalkiisa ayay ku xidhan tahay, halgankoodana la ilaawi maayo, lana tuuri maayo, waxanu doonaynaa in xisbiga iyo xukuumaddu dhisnaadaan”
***********
” Waxaa caado noqotay in xisbiga laga soo guuro markuu guulaysto, laakiin barnaamij cad baanu ka yeelan doonaa in Ninka xisbiga jooga iyo ka wasiirka ahi ay labaduba mudnaantooda yeeshaan”

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Ayaa ka jawaabay Su’aalo Inta badan ay xubnaha xisbigiisa qaar kamid ah iyo intii la aasaastayba ay is weydiinayaan, taasi oo ay kaga wer-wer qabaan in haddii ay doorashada ku guulaystaan uu tacabkoodu noqdo hal bacaad lagu lisay.
Amuurtan ayaa laga yaabaa in Dadka qaarkii aamin san yihiin iyaga oo ku cibro qaadanaya halkii ay ku dambeeyeen Xisbi-yahannadii KULMIYE ee xilligii Uu Mucaaridka ahaa xoog iyo xoolaba kaga qayb galay guushii doorashada Madax-tooyada, hase yeeshee markii Madaxweyne Siilaanyo ku fadhiistay kursiga iska dhex arki waayay Xilalkii iyo Xoorkii ay ka liseen halgankooda, iyadoo taas beddelkeeda ka dhiidhiyey wejiyo cusub oo lagu taxay xilalkii ay quudaraynayeen, kuwaas oo buuxiyey kaalintooodii.
Haddabay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay qaddiyadan isaga oo hoosta ka xariiqay in Xisbi-yahannadiisu ay goosan doonaan midhaha ay haatan sii beertaan, isla markaana aan qofna la duudsiyi doonin xaqiisa.

Su’aashan iyo weydiimo kale oo ku qotoma cududa Xisbiga WADDANI oo xilliyadan dambe sii xoogaysanaysa ayaa Guddoomiyuhu kaga jawaabay Waraysi xiiso badan oo Weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fadhle) kula yeeshay Magaalada Hargeysa. Waraysigaas oo laga baahiyey Barnaamijka Milicsiga siyaasiga oo si toddobaadle ah uga baxa Telefishanka Afka Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL.
WAraysigan waxa uu Cabdiraxmaan Cirro kaga jawaabay qaddiyado ay kamid yihiin doorkii uu ku lahaa iyo halkii uu kaga jiray Halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee Somaliland dib ugula soo noqotay Madax banaanideeda. waxa kale oo uu kaga hadlay doorkii uu ku lahaa dhismaha haykalka dawladnimo ee Somaliland iyo qorshayaasha uga meel yaalla ka midho dhalinta himillooyinka Somaliland.
Ugu Horeyn waa kan isaga oo Cirro ka jawaabay su’aasha aynu kor ku soo xusnay ee laga weydiiyey taageerayaashiisa “Nin Walba dedaalkiisa ayay ku xidhan tahay, kuwii hore u yimidna aad bay u mahadsan yihiin halgankoodana la ilaawi maayo, lana tuuri maayo, kuwa soo socdana waa loo baahan yahay, markaa intaba waanu u baahan nahay” sidaa ayuu yidhi, guddoomiye Cirro, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo Weriyuhu ka weydiiyey hanka siyaasiyiinta waaweyn oo inta badan ay ku xisaabtamaan xilalka sare inay ka qabtaan xisbiga iyo dabcan haddii WADDANI uu ku guulaysto hoggaanka dalka xukuumadda uu soo dhisi doono, ” WAxay ila tahay [taasi dhici mayso] oo barnaamijka xisbiga iyo xeerarkiisa ayaanu ku kala hagi doonaa, aniguna waxaan qabaa in dadka loo siman yahay, nin walibana meesha uu ku haboon yahay ayuu tegi doonaa. Annagu waxanu doonaynaa in xisbiga iyo xukuumadda ay labaduba dhisnaadaan, [waayo] waxaa caado noqotay in xisbiga laga soo guuro markuu xisbigu guulaysto, laakiin barnaamij cad baanu ka yeelan doonaa, laakin barnaamij cad baanu ka yeelan doonaa in xisbigu jiro, oo uu taliyo oo siyaasadda xisbiga ku shaqeeyo, oo ninka xisbiga jooga iyo ka wasiirka ahi ay labaduba mudnaantooda yeeshaan.”
Su’aal kale oo ku dhereran in xisbiga dhexdiisa lagula tartamo guddoomiyaha ayaa Weriye Feysal Fadh-fadhle weydiiyey Mr. Cirro, waxaanu kaga jawaabay ” Haa….sharciga Xisbigayaga way ku jirtaa oo wax noo diidayaa ma jirto, cid loo diidan yahayna ma jirto, adiguba [Weriyaha] waad isa soo sharrixi kartaa haddii aad xisbiga soo gasho”.
Weydiin Kaftan huwan ayaa Weriyuhu Su’aalay guddoomiyaha, taasi oo ahayd in Cabdiraxmaan-cirro uu Xisbiga ka dhigtay shaadh uu toshay oo keligii le’eg, talada iyo go’aanka u dambeeyaana uu isaga ka go’o. Guddoomiyuhu si sarraaxad leh ayuu ugua jawaabay oo waxa uu yidhi “Wallaahi dadka Firkadaas qaba waxaan odhan laha dadka fikradaas qaba bal gudaha kaalaya oo bal kaalinta aad tabaysaan idinku buuxiya”..
Waraysigaas oo dhamaystiran Fadlan Halkan Hoose Ka Daawo
Posted by: Hassan H. Keefkeef
HUBAAL MEDIA NETWORK
Hargeysa, Somaliland