“Cabdiraxmaan Cirro, Wuxuu Isu Arkaa Madaxweyne Aan Weli La Dhaarin, Laakiin Wuxuu Qaranka U Hayaa Xil Aan Bun Laga Dhimayn oo Ay Bulshadu Isaga Kala Xisaabtami Doonto”

0
88

Muj. Cali-Gurey Oo Calaama’tu-cajiib Saaray Safarrada Aan Kala Go’a Lahayn Ee Guddoomiye Cirro Kaga Mashquullay Waajibaadkii Golaha Uu Hoggaamiyo Ee Wakiillada

  “Guddoomiyaha Arrinkiisuna Waa ‘Ha Wareegto Giraantu’ Oo Waqtigiisuba Waa Mar La Dhooban Yahay Madaarka Iyo Mar Uu Dibedaha Wareegayo”

++++

“Waxay Ahayd In Guddoomiye Cirro Uu Waran Ku Taagnaado Inta Uu Maqan Yahay xeerkii Lagu Dooran Lahaa, Aniguse Uma Arko In Uu Danaynayo, Waayo Xaalkiisuba Waxa Uu Noqday…..”cali guray 2

Hargeysa (Hubaal)- Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa naqdiyey safarrada aan kala go’a lahayn ee guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu baxo dalka dibadiisa xilli ay bulshada iyo qarankuba ka sugayaan gudashada waajibaadka loo igmaday ee miiska u saaran. Muj. Cali Gurey waxaa uu sheegay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu xilliga uu doono safar iskaga baxo xilli shaqo ay bulshadu ka sugayso. Cali-Gurey oo qoraal kooban oo arrintan la xidhiidha ku baahiyey barta uu ku leeyahay barkulanka xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxaa calaama’tu-cajiib saaray ujeedooyinka khaaska ah ee ay safarrada guddoomiye cirro daaran yihiin, waxaanu yidhi “Cajiib! Guddoomiyaha Wakiillada miyaan isaga laga sugayn Xeerkii lagu dooran lahaa Wakiillada. Kolay anigu inuu danaynayo uma arko. Waxay ila tahay Guddoomiyaha inta Xeerkaasi maqan yahay waxay ahayd inuu waran ku taagan uu u arko oo mar kasta ka hadlo sidii loo dardar gelin lahaa. Isaga oo soo qaadaya xataa anigu ma arko in kasta oo joogitaankiisa dalkuba uu naadir yahay oo wakhtigiisii noqday mar uu dayuurada sii saaran yahay ama soo saaran yahay. Mar uu soo degay oo Madaarka la dhooban yahay oo la soo dhawaynayo ama la sii dhawaynayo iyo mar uu dalka debadiisa wareegayo oo xafladiba xaflad u dhiibayso arrinkiisuna yahay HA WAREEGTO GIRAANTU. Qaranka waxa uu u hayaa xil aanay musharixiinta kale uu la tartamaya aanay u hayn oo aan lagula xisaabtami doonin laakiin isaga aan bun laga dhimi doonin ee lagula xisaabtami doono. Isagiina umaba jeedo nin xilba ka saaran yahay Golaha Wakiiladana isumuu dhigin. Calaa kuli xaal wuxu isu arkaa Madaxwaynaha aan weli la dhaarin ee mustaqbalka dhaw, Alla Kariim” ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here