Garoowe (Hubaal) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla-markaana ah Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa ka soo hor-jeedsatay in la furo ama wax ka badel lagu sameeyo Dastuurka dawladd gobolleedka Puntland. Isaga oo ku sugan magaalada Garoowe ayuu sheegay in Dastuurka Puntland aanu ku dhisnayn qabiil, balse uu ku dhisan yahay nidaam deegaan ama degmooyin. Dr. Faroole ayaa ugu baaqay madaxda Puntland iyo odayaasha tabashada muujinaya ka fogaadaan in faragelin ama wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka. Shir Madaxeynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) uu ka furay magaalada Garoowe ayaa la shaaciyay in Dastuurka wax ku bedel loogu sameynayo, taasoo keenay in uu jawaabtan bixiyo Mdaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole. ”Dastuurkan waligiis waxba lagama badalin lagamana badali doono, Article-ka 60aad, waxa uu sheegayaa in 66kaas qof lama kordhin karo ilaa la sameeyo Afti dadweyne.” Ayuu yidhi Faroole. Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan kala diray Golihii Wasiirrada maamulka, waxaana uu Madaxweyne Gaas sheegay in si dhakhso ah uu u soo magacaabayo Golle Wasiiro oo cusub.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Cabdiraxmaan Faroole Oo Qaadacay In Wax-ka-bedel Uu Madaxweynaha Puntland Ku Baaqay In...