“Laga Bilaabo Immika Oo Aan Idin Lahadlayo Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ee La Doortay Waa Aniga Xaqiiqdeediina Waan Hayaa Cidda Ay 39-Ka U Codeeyeen Waa Aniga”
Hargeysa (Hubaal):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), ayaa Hambalyeeyey Guddoomiye Golaha Wakiillada Somaliland loo doortay Baashe Maxamed Faarax oo uu Jagadaas kula tartamay fadhigii Axaddii shalay ee Golahaas, ka dib markii uu Hal Cod kaga guulaystay, sida Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas oo Fadhiga guddoominayey ku dhawaaqay. Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa helay 38 Cod, halka Baashe Maxamed Faarax oo la tartamay helay 39 Cod, sidaana waxaa Guddoomiyaha Golahaas ku noqday Baashe oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, halka Talyanle ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu markii natiijada codaynta lagu dhawaaqay ka dib sheegay inuu hambalyeynayo Guddoomiyaha la doortay ee halka cod kaga guulaystay.
Talyanle oo Xalay Habeen badhkii Ka Noqday Go’aankii Uu Ku Tahniyeeyey Baashe Ee Natiijada Doorasahda
“Anigoo ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxaan halkan ummada reer Somaliland u cadaynayaa , gaar ahaanna golihii wakiillada eemaanta [shalay] codkii doorashada guddoomiyaha wakiillada qaaday ee aan saaxiibkay Baashe Maxamed Cadde ku tahniyadeeyey in xaqiiqadii soo baxday laga bilaabo immika oo aan idinlahadlayo guddoomiyaha guddoomiyaha golaha wakiillada ee la doortay waa aniga xaqiiqdeediina waan hayaa 39-ka xildhibaan ee codeeyey cidda ay u codeeyeen waa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, sidaas darteed afhayeenka aqalka baarlamaanku waa aniga, waxaanan u sheegayaa saaxiibkay Baashe Maxamed Faarax oo aan markii hore tahniyadeeyey anigoo daacadnimo iyo lillaaihnimo waajibkaas ku gudanayay inarrintii is bedeshay oo isaga maanta looga baahanyahay inuu aqbalo xaqiiqada jirta iyo codkii la tiriyey halkuu maray iguna tahniyadeeyo”. Sidaas waxaa xalay saqdii dhexe ku tiraabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ooshalay isaga iyo Baashe Maxamed Faarax ku tartameen guddoomiyenimada golaha wakiillada taasi oo cod haldheeri ah uu kaga guulaystay guddoomiye Baashe MAxamed Faarax, isaguna [Talyanle] uu aqbalay natiijada doorashadaas oo uutahniyadeeyey guddomiyaha cusub, haseyeeshee xalay goor dembe oo habeen badh ah ayaa muuqaal Video ah oo xambaarsan deedifaynta Cabdiraxmaan Talyanle warbaahinta la soo gaadhsiiyey, kaasi oo sheegay in wax is daba marini dhacday xiligii doorashada guddoonka golaha oofadhigii xildhibaannadu ku codaynayeen uu shirgudoominayay guddoomiye kux igeenka 2aad ee golaha wakiilalda Cali Yuusuf Axmed.