“Cabdirisaaq Khaliif Waxaan Kula Talin Lahaa Inuu Golaha Sharci Ku Hoggaamiyo, Oo Aannu Noqon Guddoomiyihii Ugu Muddada Gaabnaa,”

0
7

Xukuumadda Somaliland oo ugu baaqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu raaco aqlabiyadda xildhibaannada golihiisa

Hargeysa – (Hubaal) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed in aannu ka horiman xeerka furista ururrada siyaasadda, isla markaana u hoggaansamo rabitaanka aqlabiyadda xildhibaannada golihiisa oo haatan u kala fadhiya laba garab.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, awowgay Cabdirisaaq Khaliif waxaan kula talin lahaa inuu golaha sharci ku hoggaamiyo, madaama uu yahay odaygii baarlamaanka oo uu sharciyadda dalka raaco, oo aannu noqon guddoomiyihii ugu muddada gaabnaa,” ayuu yidhi Wasiir Liibaan oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka WADDANI ee ka tirsan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada in aannu oggolayn xeerka furista ururrada siyaasadda oo uu ku dooday inuu yahay mid ku salaysan rabitaanka aqlabiyadda xildhibaannada iyo shacabka Somaliland.

“Waan ogahay in guddoomiye Cabdirisaaq uu xisbi ka tirsan yahay. Saaxiibbo ayuu leeyahay abaal ku leh oo Somaliland oo dhan ogtahay, oo iyagu arrinka furista ururrada ka soo horjeeda, laakiin sharcigu wuxuu qabaa in ururrada la furo, isaguna wuu ogyahay, xildhibaannadiisiina majooratigoodii taas shacbigu qabo ee ah in aan marnaba dib loo dhigi karin ayey qabaan,” ayuu yidhi wasiir Liibaan.

46 mudane oo ka mid ah 82ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay, ayaa Maxkamadda Sare ee Distooriga ah u gudbiyey shalay dacwad ku saabsan muranka ka taagan Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda oo ay ku doodayaan inuu dhaqangal yahay, laguna sameeyo faafinta rasmiga ah, halka mudanayaasha mucaaradkuna doonayaan in goluhu dood ka yeesho xeerka, maadaama Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey.

Dhinaca kale, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaaqday dhowaan in ururrada siyaasaddu furan yihiin, waxaanay arrintaasi khilaafka culus ka dhex abuurtay xildhibaannada Golaha Wakiillada oo muddo toddobaad ka badan u kala fadhiya laba garab oo si adag isaga soo horjeeda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here