Cabdiweli Gaas Oo Is Xulufaysi Reernimo La Samaystay Dhiggiisa Jubba Land

0
29

Hargeysa:(Hubaaal)-Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa Maalintii shalay Gaadhay magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland, iyadoo ujeeddada socdaalkasina salka ku hayo aasaaska isbahaysi reernimo salka ku haya oo dhinacyadaasi ku hawllan yihiin.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Garowe, ayaa sidoo kale ujeeddoyinkiisa waxa kamid ah dagaal ka dhan ah Dawladda Taagta daran ee Somalia iyo waliba daan-daansiga Puntland ku Hayso dhulka somaliland oo ay teegaaro uga raadinayso dhinaca Jubbada duruufaysan.

gaas iyo madoobeAxmed Madoobaha Jubba Lanad oo dhowaan Addis ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka codsaday in Itoobiya ay dhexdhexaadiso muranka dhex yaala Maamulkiisa Jubba iyo dowladda Federaalka iyo khilaafka ku dhaxeeya maamulka Jubba iyo Koonfur Galbeed.

Puntland oo ku gacan seydhay dhammaan dadaalka Xasan sheekh wado sida dhismaha maamul-goboleedyada iyo guddiyada qaranka, ayaa ku hanjabtay inay ka fiirsan doonto ka mid ahaanshaha dowladda Federaalka, halka maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka uu dhex yaallo khilaaf adag  oo ku saabsan dhismaha baarlamaanka Jubba ee sharci darro uu ka dhigay baarlamaanka federaalka.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay kulamo ay yeeshaan kadib soo saaraan qoraal cusub oo si mideysan ay ugu cambaareynayaan dowladda Federaalka, isla markaana qaadici doonaan guddiyada dhowaan la dhisay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here