Saacadu waa afartii iyo labaatan daqiiqo dadka intii udambaysay,ee hurdo daqaqarta qabay ayaa suxuuranaya,dadka intii hore u toostayna mar hore ay suxuurteen, ayaa dhagahayga saacaadaasi waxaa kusoo dhacay dhiilada hoonka baabuurta dabka bakhtiisa oo suuqa badhtamaha hargaysa si xawliya ku yaacaya markiiba waxaan la xidhiidhay dad dagan dhankii ay u yaacayeen waxaana la ii sheegay inuu Gallbeedka magaalada Hargaysa gaar ahaan eeriyada xaafada Badda cas uu guri dab qabsaday, hadana ay baabuurtii dabka bakhtiinayay ay si fiican uga hawlgaleen bakhtiinta dabkaasi.
saaka subaxdii hore ayay ahayd markay dabka kadamiyeen xaafad kale,oo dab qabsaday halkaasina ku bakhtiiyeen fiditaankii dabkaasi,maayarka maanta ee caasimada ayaanay hortii magaalada caasimada ahi,lahayn baabuurta dabka bakhtiisa,waxaana la odhan karaa,waa garasho uu dheeryahay maayarada magaalooyinka soomaaliland iyadoo hortii ay magaalada Hargaysa dab bakhtiiyayaal ka ahaayeen,baabuurta shirkadaha wadaniga ahi,haba ugu horayso shirkada dahab shiile,inkastoo xukuumada soomaaliland masuuliyiinteeda qaar ka tirsan,oo hoosta kuwatay,shirkado lagaga dayday oo la lahaa waxay bakhtiinayaan dabka magaalada ka kaca,oo qaarkood Axmed siilaanyo xafladahoogii xadhiga ka jaray hadana waxay dhamaantood noqdeen hal bacaad lagu lisay.
Garashada kaliya ee ilaa hada shaqaysayna,waa waxqabadkaasi muuqda ee maayarka caasimada Hargaysa kaga badbaadiyay dadka dagan caasimada,ee uu maayarka u yahay,waxaanu shacabka caasimada Hargaysa kaga kasbaday,taageero wayn oo saxaafada soomaaliland marag ka tahay,waxaanan golaha deegaanka caasimada Hargaysa oo maayar u yahay mudane,Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo dhexda u xidhay horumarinta iyo badbaadinta dadkeeda.
Waxaa kale oo saxaafada Soomaaliland hambalyo u diraysaa,hawlwadeenada ka hawlgala gaadiidkaasi dabka bakhtiiya oo aan habeen iyo maalin ka hoos kicin gurmadka deg-dega ah ee ay u hayaan badbaadinta dadkooda,inagoo ogsoon inaanay inamadaasi qaadan,lacag kufilan,guud ahaana waxaan leenahay maayar waad gudatay,xilkii aanu duhurka kuugu dooranay u adeegida shacabkan itaalka daran ee reer soomaaliland.gaar ahaana kan magaaladdan Hargaysa.waxaanan leenahay kaga dayda talaabadaasi wanaagsan ee uu idiin horseeday,maayarka Hargaysa maayarada kale hakaga daydaan waxqabadkaa muuqda ee uu shacabkiisa Hargaysa u horseeday.
waxaan warbixintan kusoo koobayaa taariikhdaa xusi doonta ninkii dadkiisa wax uqabta
wa bilaahi tawfiiq.