Taariikhda Maanta oo ku beegnayd 22-October -2016 waxa Magaalada Hargeysa ka Qabsoomay Gunaanadkii Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi wadani kaasi oo taariikhda maalintaasi lagu kala dooranayay labada Musharax ee Xisbigaasi uga qayb gali lahaa doorashooyinka soomaliland ee Dhacaya sanadka Fooda inagu soo haya 2017 iyadoo shirweynahaasi ay ka soo qayb galeen badiba Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo ka koobnaa 629 xubnood oo iskaga kala yimid Gobolada iyo deegaanada Soomaliland iyo sidoo kale qaar ka yimid qaarada Yurub
Hadaba Markii la Guda galay shirweynahaasi ayaa ugu Horeyn waxa markiiba halkaasi lagu Doortay Gudoomiyaha Xisbigaasi Wadani Kaasi oo loo doortay Xildhibaan Cabdulqaadir jirde halka Hogaamiyaha Xisbigaasi loo doortay Xirsi cali xaaji xasan iyadoona halkaasi lagu ansixiyay marka laga Reebo gudoomiyaha xisbiga Wadani oo kumeel gaadh ah kaasi oo xilka la wareegaya marka Cirro madaxweyne Noqdo hadayba suuro gal noqoto
intaasi ka dib waxa la Gudagalay Doorashada Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi wadani kaasi oo uu isku soo sharaxay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyadoona aany cidi kula tartamaynin waxa guud ahaanba 629kii xubnood ee Golaha dhexe ku ansixiyeen inuu Cirro musharax u noqdo iyagoo ku meel mariyay Cod Aqlabiyad ah …
Hadaba Markii Cirro la doortay ayaa hadana waxa la Gudo Galay Doorashada Musharax Madaxweyne ku xigeen ee XIsbiga Wadani kaasi oo ay isku soo sharaxeen Labo musharax oo kala ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Koowaad ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed iyo Ambasadoor Maxamed Cali Awcabdi
waxaana ay Xubnihii Golaha dhexe Cod gacan taag ah ku Ansixiyeen Musharax maxamed Cali Awcabdi inuu ku xigeen u Noqdo Gudoomiye Cirro isaga oo helay 581 Cod Halka musharaxii la Tartamayay ee Axmed muumin seed uu Helay 44 Cod
si kastaba ha ahaatee waxa Xusid mudan in cadaalad darada ugu wayn ee Xisbigaasi ka dhacday uu masuul ka ahaa Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro isaga oona aanay cidi kula tartamin booska ugu sareeya ee xisbigaasi kaasi oo ah musharax madaxweyne ee xisbiga wadani doorashooyinka soomaliland iyadoona arintani ay keentay in gudoomiye cirro lagu tilmaamo nin boobay mansabkaa islamarkaana awood ku sheegtay waxaanay dadka siyaasada indha indheeyaa sheegayaan inuu cirro mansabkaas mashuraxa madaxweyne kooto ku xidhay una diiday inay cidi la tartanto iyadoo la wada ogsoon yahay in Cirro yahay shaqsi laga kicin kari waayay booska ama kursiga sadaxaad ee ugu sareeya soomaliland waa Gudoomiyaha Golaha wakiiladee
si kastaba ha ahaatee doorashadii golaha dhexe ee Xisbiga wadani ayaa ahayd mid si wanaagsan ku dhamaatay maadaama si cadaalada ay u tartameen labadii musharax ku xigeen halka Gudoomiye cirro uu ku adkaystay inaan lala tartami waxana ay arintani u muuqataa in dimuqaraadiyadii Asxaabta Mucaaridku noqotay mid cid u Afduuban
Nuux kadiye
Magaalada Boorama
Wariyenuuxkadiye@gmail.com