Cajab !…Qabyaalad Xumaddii Silaanyo Waxay Maraysaa in Gaandi Library La siiyo Ilma Faarax Xarbi.!!!

0
31

Gaandi library waa xarunta keliya ee library ah ee magaalada hargeisa leedahay muddo hadda ku dhow 15 sano. waxa kale oo ay tahay goobta keliya ee bahda waxbarashada ay eegato, Waxaana aan xasuusta oo ka mid ahaa dadkii dhalinyarada ee waxbarashada xiligii aan ku jiray intifaacsan jiray oo ay aqoontayda iyo taariikhadayda waxay ku leedahay door weyn oo aan la malayn karin. haddba, Xukumadeenii ma xishootada ahayd ayaa goobtii kaliya ahayd ee kaydka aqoonta somaliland u soo xaydatay in si qaraabo kiilnimo ah u siiso ganacstada ilma faarax xarbi, waa yaabkii adduunka, boobkii hantida dadweynaha wuxuu imika maraya in si waadix yaa shamis ah loo dhaxal wareejiyo oo la siiyo weliba xigtada madaxtooyada somaliland, waxaynu dhawaan arki doona indhaheena oo shan ah haddii aan aqoonyahanka, waxgaradka iyo dhalinyarada iyo bahda waxbarashadu ka gilgilan arrintan iyada oo jamacadaha iyo schools kana si toos ah loogu wareejiyo ganacstada qaarabada la ah madaxtooyada iyo kuwa boobka xaaranta ah kula shuraakada ah.
Guntii iyo gebogabdii, Ummada reer somaliland siiba reer hargeisa waa u sharaf daro in hortooda lagu xidho goobtii keliya ahayd ee akhriska ee gaandi library xili dhalinyaradii reer somaliland ay badaha ku madheen, waxaan ku boorinaya inay u gurmadaan maktabada gaandi library oo ay hor istaagan dulmiga iyo eexda iyo boobka la doonayo in lagu dhaxal wareejiyo gaandi library.
hadh
Alla Mahad leh

Said Abdullahi Dualeh
duale_june@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here