“Calankan Afti Baa Loo Qaaday, Xukuumaddan Aynu Ku Haysanno WIKILEAKS Baa Wax Qortey-na Waxa Ay Inna Leedahay Waa Kaas Calankii 1960-kii”

0
24

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Naqdiyey Qoraallo Uu Waran-cadde Ku Fey-garay Calanka Qaranka Oo Shaashadaha Laga Baahiyey

“Waxa Ay Ina Tusaysaa In Calanka JSL  Wixii La Doono Lagu Feygari Karo, Oo Maalin Dhawayd Goob Uu Wasiir Waran-cadde Ka Hadlayey Waxa Xagga Dembe Ka Xigay Calanka Oo Ay Halkiisa Hoose Ku Qornayd……”

boobe oo ka hadlay calanka warancade qoraalka ku sameeyayHargeysa(Hubaal)-Xog-hayaha warfaafinta ee Xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(boobe), ayaa dhaliilo culus dusha u saaray wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxame Waran-cadde oo dhawaan qoraallo sharciga ka baxsan ku sameeyey Nuqul kamid ah calanka Jamhuuriyadda somaliland oo sudhnaa goob uu warbaahinta kula Hadlayey. Mujaahid Boobe oo shalay warbaahinta ku hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa tallaabada Wasiir waran-cadde qoraalka aan sharciga ahayn ugu sameeyey Calanka Somaliland ku tilmaamay aqoodarro xagga shuruucda iyo distoorka ka haysata wasiirka qaranku ku aaminay Amnigii guud ee Dalka. Mujaahid Boobe waxa uu sheegay in Calanku yahay Distoori Afti Dadweyne lagu meel mariyey, isla-markaana aan cidina si fudud waxba uga beddeli Karin nidaamka uu u yaallo iyo qoraallada ku samaysan,  “calanka xagga dambe ka xigay goob maalin dhaweyd uu Wasiir waran-cadde ka hadlayey waxa halkiisa hoose ku qornaa 1960-kii. Calanku waa distoori oo afti baa loo qaaday 31-kii, may,2001-kii Distoorkaasuu ku qoran yahay oo waa lagu wada joogo. Xukuumadda aynu ku haysano wikileaks baa wax qortay waxaba ay ina leedahay waakaas calankii 1960-kii, waxana la ina tusayaa in Calanka lagu feegari karo oo sidii la doono loo geli karo.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.  Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Boobe tallaabada waran-cadde qaaday ku sheegay mid keeni karta in cid waliba calanka sidii ay doonto u dhigto, waxana uu yidhi,“Berrito waxa la arki doonaa mid odhanaya 1960-kii ma uu jirine kan waxa la sameeyey 1991-kii, mid kalaa odhan doona mid cad baa berigaas jirey kan waxa la doortay berigii cigaal la doortay.”  Waxa uu Boobe sheegay in marka la arko xubno xukuumadda katirsan oo Calankii sidaas ugu xad gudbaya inaanay wax lala yaabo ahayn in la arko waraaqo la saxeexayo sida kuwa Wikileaks  ay dhawaan Baahisay,

“Nidaamka dalka ka talinayaa qiimaha ay qaran-nimadu la leedahay waa kaas, waana dhagar distoori ah oo dalka ka dhacday, qol madowna kuma ay  dhicine indhihiina hortiina ayey dhacday, qarankanina sidaas ayuu baylah u yahay. Ninka calanka sidaas u beddelay ee aan u haysanin inuu distoorka ku qoran yahay ee waliba Madaadii’da guud kamid yahay bal hadda cidda ka celinaysa warqad yar oo meel wareegaysa inuu saxeexo idinkaa sheegi doona.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Dhinaca kale waxa uu Boobe Jawaab adag ka Bixiyey Dhawaaq dhawaan Wasiir Waran-cadde kasoo yeedhay oo nuxurkiisu ahaa inay mucaaridku wada Hadal ugu yimaadaan, waxana uu sheegay inaan iyaga iyo madaxweynaha cidi u dhaxayn  Karin, waxana uu yidhi,

“Annagu uma baahnin cid farriimo noo  soo qaadda, arrintii muddo-kordhinta iyo maalinta doorashadu waxa ay la taalla madaxweynaha, dalkana laba madaxweyne kama taliyaane waxa uu  dadku doortay madaxweyne iyoku-xigeene Go’aan haka gaadhaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here