Caleemo-saarka Suldaan Dhaxalkiisa Muran Ka Dhashay Oo Horseeday Amar Ay Xukuumaddu Ku Soo rogtay Shirkadaha Daabaca Sawirrada Madax-dhaqameedka Cusub

0
103

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Kala Dareerisay Xaflad Lagu Caleemo saarayay Suldaan Buuxinayay Suldaankii Guud Ee Beesha GEED-DEEBLE

 

 

“Wasiirka Daakhiliga Oo Is-qabqabsiga Saldanadaha Ku Tilmaamay Aafo Sumcad-xumo Iyo Amni-darro Sababtay Ku Tilmaamay+ Wasiir Faratoon Oo Shirkadaha Daabacadda Uga Digay Samaynta Boodhadh aanay Fasax U Haysan”

 

????????????????????????????????????

 Hargeysa(Hubaal) Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir faratoon ayaa soo saaray qoraal uu Booliiska ku amrayo inay joojiyaan Caleemo saarka Suldaanimada Beesha Bah-gobo oo uu sheegay inay isku haystaan labadhinac oo kala ah dhaxal-sugihii xilkaas iyo mid kale oo cusub. Wasiir Faratoon ayaa sida warbaahintu heshay wareegtadiisan waxaa uu sheegay in lajoojiyo xafladda caleemo saarka suldaankan ay isku hayaan Xirsi Suldaan Ismaaciil Aadan (Baxar} oo isagu ah wiil uu dhalay suldaankii hore ee beeshaasi iyo ninka kale oo isnalayidhaahdo Jimcaale Maxamed Ciise,  taasoo la caleemo saarayo Jimcaale. Sidoo kale, Digreetada Wasiirka waxa lagu wargaliyey shirkaddaha Daabacaada Boodhadhka Caleemo-saarada inaanay daabicin illaa ay amar ka helaan wasaaradda Arrimaha gudaha, isagoo xusay in uu amar hore ka soo baxay inaan Suldaan la Caleemo saari Karin isagoo fasax haysta mooyaane. Wasiir Faratoon waxa uu sheegay isku qabsiga Saldanaduhu in uu Somaliland ku noqday Aafo keentay Sumcad xumo iyo Amni darro, sidaasi daraadeed uu amray Booliiska in talaabo laga qaado cidii ku kacda inay iska caleemo saarto suldaan aanay wasaaradda Arrimaha guduhu ogolaanin caleemo-saarkiisa.

Maalintii Khamiistii ee Dorraad ayaa ay ahayd markii ay Xukuumaddu   albaabada u laabtay madal lagu caleemo saarayay Suldaannimada Jimcaale Maxamed Ciise   halkaasi oo ay ciidamo tiro badanoo bilays ahi tageen islamarkaana ay joojiyeen xafladdii iyaga oo dadkii madasha ku sugnaanakala dareeriyey. Tallaabadan ayaa ka dembeysay kadibmarkii dhawaan uu geeriyooday alla ha u naxariistee   Suldaan Ismaaciil Aden Xirsi (Suldaan Baxar) oo ahaa suldaanka   beesha deegaanka Woqooyiga Hargeysa ee  Geedeeble (Bahgobo). WArku waxaauu intaa ku daray in Wasaaradda arrimaha guduhu ay amarkan soo saartay kadibmarkii ay odayaasha beeshu ka dalbadeen in la joojiyo caleemo saarka suldaanka cusub, iyaga oo ku sababeeyey inaanay weli beeshu isku raacin cidda la caleemo saarayo ee buuxinaysa jagada Suldaan Baxar banneeyey,welina ay socoto tacsidii geeridiisu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here