Cali Gurey: Madaxweynuhu Dhabarka Ayuu Taabtay ‘Ina Kaahin Iyo Gaafaadhiba’ Inuu KULMIYE Ku Wareejinayo

0
18

Hargeysa(Hubaal)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay go’aanka Xisbiga KULMIYE, lagaga saaray Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo saamaynta kaga imankarta tallaabadaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isla marakana ah Guddoomiyaha Xisbiga.

Cali Gurey ayaa ku tilmaamay go’aanka mid aan laga fiirsan oo ku noqon doona Madaxweyne Biixi waran kusoo nooqnaya. “Maxamuud Xaashi iyo aniguba waxaan ka mid ahayn aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, Muuse wuu noogu yimi, Maxamuud waa Ninkii dhisay Madaxweynaha, waxaad eegtaa Cirro, isagoo aan Madaxweyne noqon ayuu Xisri iyo Cabdirisaaq Khaliif laba guddoomiye ka dhigay, hadduu Madaxweyne noqon lahaana maxaad u malanay.”

Cali Gurey, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu maanta siiyay telefishanka BulshiTV, isagoo Madaxweyne Biixi ku tilmaamay Nin aan Maxamuud Xaashi oo keliya ka abaaldhicin oo sidaa u geline qof walba oo irbad dhuub u geliyay la dagaalamay.

Sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, oo sida uu sheegay isaga Maxamuud Xaashi ka mid ahaayeen aasayaashii, isagoo tilmaamay xaalka uu xilligan ku suganyahay Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), wuxuu sharaxaad ka bixiyay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhowaan ay soo baxday in Madaxweyne Biixi wareejinayo, iyadoo wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye ku xigeenka Koowaad sheegay in isaga lagu wareejinayo.

Hase yeeshee waxa markaa kaddib si cad u sheegay in uu ku tartamayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, wuxuuna Siyaasiga Cali Gurey sheegay in uu maqlay in Madaxweynuhu dhabarka taabtay labada wasiirba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here