“Dawladnimadu Sidan Maaha Ee Ma Laga Yaabaa In Maalin Dhaw La Yidhaahdo ‘Waar Yaa Harageedii Innagaga Celiya”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ku sifeeyay wax lagu qoslo xaflad ay xukuumaddu ay huteel Guuleed xalay ugu samaysay qurbo jooga Somaliland ee ku sugan Hargeysa. Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) waxa uu ka hadlay kulankii madaxtooyada ka dhacay khamiistii ee Madaxweynuhu kaga dhiraandhiriyey golaha guurtidu inay ka tanaasulaan go’aankii muddo kordhinta ee ay sameeyeen. Mr. Cali-Gurey oo qoraallo googos ah ku baahiyey barta uu degelka xidhiidhka bulshada [Facebook] ku leeyahay xalay waxa uu su’aal geliyey jidka uu guddoomiyaha Guurtidu ku hagayo qaranka iyo siyaasadda uu ku dhaqayo golihiisa. Qoraalkaas oo uu cinwaan uga dhigay ‘Saleebaan-gaal halkuu ku socdaa?, Meel uu Eedo Dheh!!” Waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in aanu cidna uga habran fulinta awoodihiisa dastuuriga ah xilliyada ay timaaddo in lagu murmo arrin shaci ah, taas beddelkeedana fasiraadda qoddobada lagu marmot ay xaq u leedaha maxakamadda dastuuriga ahi. Qoraalkaas waxa uu Cali gurey ku bilaabay sida tan: “ Haddii aanay “Hablu Walaa Tahablu“, ahayn oon sida ilkaha abeesada hoosta laga taxnayn dastuurka iyo shuruucda dalku waa wax cad oo qoran oon madmadow lahayn. Go’aanka guurtiduna waa sharci darro dastuurkana ma waafaqsana. Madaxwaynuhu uma baahna in uu cidna baryo haddii uu daacad ka yahay waayo dastuurka marka lagu murmo Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya ayaa xaq u leh inay fasirto eh maxaa u diidan inu u gudbiyo. Qodabada Guurtidu u cuskatay go’aankeedu mid keliya oo go’aankooda waafaqsani ma jiro. Arinku waa in aan wax doorasho ihi dalka ka qabsoomi karin taasina waa Somaliland ha dunto anagu hadaba la dumin mayno Saleebaan Gaal iyo Madaxwayne Silanyo eh iyagu gacmahooda ha ku dumiyaan. Hadii kale shacbiga Somaliland ha isu taagaan badbaadinta qaranimadooda ama jabka ha ogolaadaan. Aniga xaalkaygu waa hadii aad taliso oo lagu diido in la jabo ma jeceshahay. Waxa nasiib darro ah madaxwayne mucaarid kiisu karaamaynayo oo intii uu aaminay hoojinayso oo aanay dan iyo muraad ka lahayn sharftiisa iyo karaamadiisa” ayuu qoraalkiisa ku yidhi guddoomiye ku xigeenku. Dhinaca kale qormo kale oo kooban oo uu iyadana ku daabacay isla degelkiisa waxa uu Cali Gurey kaga hadlay cidhib xumada ka dhalan karta haddii la ixtiraami waayo sharciyadda nidaamka dawladnimo, haddii lagu gefana dib loo qoomamayn doono afcaal hadda aan laga fiirsan fulintooda oo qaranka wax yeeli kara, sidoo kale waxa uu calaamatu-layaab [!] saaray halka ay dambarsan doonto muddo kordhinta Guurtidu samaysay , isaga oo naqdiyey hoggaaminta guddoomiyaha golahaas, waxaanu yidhi “Dawladnimadii Somaliland ma laga yaabaa in aynu maalin dhaw la yidhaa WAAR YAA HARAGEEDII INAGAGA CELIYA ilayn dawladnimadu sidan maaha eh. Marka cid wal oo la doortay ay dhamaato muddo xileedkeedu ey diido inay dadkii doortay talada dib ugu celiso ee intaan doono ayaa kursiga fadhiyayaa noqoto miyay dawladnimo inoo noqon kartaa hadaba. Bal mashruucan Saleebaan Gaal ee muddo kordhintu halka uu dhigo Somaliland aan eegno. Dhinaca kale
Cali Guray waxa uu ka hadlay xafladii xalay waxaanu kaga dareen celiyay qoraal kooban oo uu ku faafiyay bartiisa Internet-ka. Waxaanu ku yidhi sidan:-
“Yaa daawaday xafladii Qurbo jooga loo dhigay ee dhegeystay Wasiirradii ka hadlay madasha iyo farriinta ay u gudbinayeen tiro qurbo joog ah oo marka loo eego tirada qurbo jooga xiligan ku sugan Hargeysa aad u tiro yar een yaabin marka iska wada dabo mareen in xaaladda dalku tahay caadaa oo mubsuud laga wada yahay sida ay xukuumaddani dalka uga hormarisay dhinac walba ee aanay jirin.
Wax ay wanaajisay mooyee waxay seegtay iyo wax ay qaloocisay iyo wax ay dhintay toona. Hada kuwa ay la hadlayeen kamay iman xidigaha dusheena iyo duni kale oo aan ahayn tan aynu ku noolahay ee waa muwaadiniin aan wax ku seeganayn xaaladda dalkooda hooyo. Alahayoow yaraa inta nuxur la’aantooda dheg u raaricisay waxa ka badan inta hoos isu gujinaysay ee qosolka isku xejinaysay.”