Cali Gurey Oo Shaaciyey Rejo Uu  Ka Dhawrayo Muddo-kordhin Komishanka Doorashooyinka Ka Timaadda+Muuqaal

0
53

cali-guray“Ilaa  Hadda Ma Hayno Kaadhadhkii Doorashada Lagu Geli Lahaa,  Xataa Tirada Loo soo Sameeyey  [Kaadhadhka] Ma Ogin, Haddii Waxaas Oo Dhammi Ay Diyaar Yihiin Waa La Geli Karaa, Haddii Kalena Sabtidaba…”

 

Hargeysa:(Hubaal)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo katirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa warwar weyn ka muujiyey inay doorashada madaxtinimada ee dalka ka qorshaysan bisha March ee sanadkani waqtigeeda ku qabsoonto, waxana uu hoosta ka xarriiqay in abaarta jirta iyo qabyo ku jirta arrimaha doorashooyinku masuul ka yihiin dib u dhacaas, waxana uu yidhi, “Abaartu waxa ay saamaysay tirada yar marka dadka codeeya la isku daro, laakiin awooddii dawladdu maku filan tahay inay labadaas isku qaybiso oo dhinacna aynu gurmadka ka galno, dhinacna aynu doorashada ka galno,  ilaa hadda ma hayno kaadhadhkii doorashada lagu geli lahaa, ma hayno oo xataa tirada loosoo sameeyey ma ogin, haddii waxaas oo dhammi ay diyaar yihiin waa la geli karaa, haddii kalena sabtidaba Komishanka way kasoo bixi kartaa inaanay qaban Karin doorashada waqtigeedii, anigase way igu adag tahay taasi.” Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka digay in dib u dhacaasi waqti badan qaato, isaga oo xusay in baahi loo qabo helitaanka fursad lagu sugo inta roobku da’ayo oo qudha,“Haddii muddo-kordhintu noqoto mid  farsamo waxa aynu heli karnaa fursad uu roobku ku da’o, markaa ma aha sanado’, muddo-kordhintanina waa ta ina hodday oo waa inaynu ka cararnaa” ayuu yidhi Cali-gurey. Muddo ka yar-maalmood, ayaa ka hadhsan waqtigii loo qoondeeyey inay qabsoomaan doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshaysani, waxana bulshadu dhawrayaan inay  doorashooyinkaasi qabsoomaan iyo inay komishanku ku dhawaaqaan dib u dhac kale oo yimaadda.


cali-guray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here