Cali Khaliif Galaydh Oo Iskaga Cararay Tuulada Saax-Dheer Kadib Markii Uu Ku Sigtay Inuu Gacanta U Galo Ciidanka Somaliland

0
46

Sool (Hubaal) -Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka socda Somaliland ay saaka waaberigii galeen tuulada Saax-Dheer oo 90km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Sida uu BBC Somali u sheegay nin u hadlay ciidanka Somaliland ujeedada ay u galeen tuulada Saax-dheer waxay ahayd sida uu yiri, inay ka soo qabtaan Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Gallaydh oo uu ku eedeeyay inuu isku dir iyo nabadgelyo darro ka wada deegaankaasi.

Wuxuu Afhayeenku intaas ku daray in ciidankoodu eryadeen gaadiid uu watay Dr. Cali Khaliif Gallaydh.

Haddaba waxaa noo suurta gashay inaan la hadalno Dr. Cali Khaliif, waxaana uu sheegay in ay been ay tahay hadalka wax uu ugu yeeray “maamulka Soomaali-diidka ah”.

Cali Khaliif waxa uu sheegay in muddo ahba inuu ku sugnaa degaanka isla markaana ay doonayaan sidii ay u qabsan lahaayeen shir weyn guud ee degaanka Khaatuma.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here