Cali Khaliif Galaydh Oo Tuullo Ka Tirsan JSL  Ka Bilaabay Abaabulka Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland

0
43

“Aduunweynaha waxay ku odhan dhulku waa dhulkayagii dadkuna waa dadkayagii, kuwii fidmawadayaasha ahaana meesha waanu ka erinay, dagaalkaasi wuu ina huran yahay”

Saaxdheer (Hubaal) – Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh dadweynaha Saax dheer ku guubaabinaya inay dagaal ka dhan ah Ciidanka Somaliland galaan.

Siyaasigan oo xildhibaan ka ah Soomaaliya, isla markaana ka mid ah shakhsiyaadka reer Somaliland ee ka soo hor jeedda madax banaanideeda ayaa ku guuldaraystay inuu noqdo Gudomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu hore abaabul ugu galay, ka dib markii uu taas ku guuldaraystay waxa uu usoo wareegay dhinaca Somaliland oo uu ka abaabulay maamul uu Khaatumo ula baxay oo uu doonno siyaasadeed iyo dhaqaale ka leeyahay.

Dr-Galaydh1
Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo ayaa dhowaan ciidanka Somaliland kala dareeriyeen, isla markaana kala wareegeen xaruntooddii Taleex oo ay doonayeen inay shir ku qabsadaan, haseyeeshee Cali Khaliif iyo kooxdiisu waxaa ay mar kale ku soo laabteen magaaladda Saaxdheer oo ay markii hore firxadkii dhaafeen. Cali Khaliif Galaydh oo dadka deegaanka dagaal ugu baaqaya ayaa u khudbadeeyey dadka deegaanka Saax dheer ee Somaliland, waxaanu sheegay inay dagaal la galaan ciidanka Somaliland, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxay qabaan (Somaliland) haddii Saax-dheer ay qabsadaan in warka Khaautmo halkaasi ku dhamaan doono, Buuhoodle sida ay iyagu qabaan inay si  dhibyar oo nabadgalyo ah ku qabsan doonaan, dee dhulka marka yaa leh, wixii haystaa leh,  aduunweynahana waxay odhan dhulku waa dhulkayagii dadkuna waa dadkayagii, kuwii fidmawadayaasha ahaana meesha waanu ka erinay, dagaalkaasi wuu ina huran yahay”

Cali Khaliif Galaydh ayaa  sheegay inay dagaalkooda difaac ka gali doonaan magaaladda Kala Baydh oo gurmadku ka soo gaadhi karo, waxaanu yidhi “Kala baydh waxyar bay inoo jirtaa, waana magaalo gurmad ina soo gaadhi karaan, dhulkaas aan soo marnay diyaar baa looyahay, magaaladeenana waanu difaacayna”.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaan arintaasi kula socon, isla markaana aan rabin in deegaankoodda dagaal iyo qax ka curto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here